Puntland oo shaacisay mowqifkeeda sharciga doorashooyinka Soomaaliya

Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland – Madaxweyne Deni ayaa si rasmi ah wuxuu u caddeeyay mowqifka dowladda Puntland ee ku aadan sharciga doorashooyinka iyo coddeynta guud ee dalka Soomaaliya kusoo fool leh sanadka dambe.

Sharciga doorashooyinka ayaa horyaala Golaha Shacabka baarlamaanka Federaalka oo maalmo ka doodaya.

Deni oo ka hadlay xafladda daah-furka qorshe-howleedka Guddiga ku meel gaarka doorashooyinka Puntland, ayaa shaaca ka qaadey in Puntland ay kasoo horjeedo sharciga doorashooyinka federaalka.

"Maxaa yeelay wax rasmi ah oo lasoo gudbiyey ama diyaar-garow ka muuqdo ma jiro," ayuu yiri madaxweynuhu.

Deni ayaa intaas ku daray: "Sanadka ugu dambeysa doorashaa la qabanayaa 4.5-kiina laga tegi maayo qof iyo codna waa la qabanayaa, sidey isku geli karaan aniga wali aad uma fahmin".

"Hadii la leeyahay doorashaa la qabanayaa 4.5 chapter-keeda waa in uu xirmaa, hadii la leeyahay ma xirmi karo, hadda annaga dad Soomaali ka duwan ma nihi xaal-mastuurka waa ogol nahee, bal hala isku yimaado hala wada hadlo, xagee la aadayaa waaye marka, waddo kale oo saddexaad aniga iima muuqato," ayuu tibaaxay.

Madaxweynaha ayaa raaciyey: "Hadii la leeyahay qof iyo cod, sidda ay shegeen, oo degmooyinkii iyo gobolada la dhigi waayo oo wax cad la keeni waayo, waxa ku xigta waa in la yiraahdo maxaa ku xiga oo la aadayaa?".

"Laakiin waxyaabaha aan hadda maqmaqlaayo oo isku dhex-dhex jira oo u muuqda shaarar dad tolonaaya, dabcan, Puntland uma qalanto, suurtogalna ma ahan in waxa noocaas ah in ay qayb ka noqoto".

Wuxuu hoosta ka xariiqay: "Waxaan idin sheegayaa, codka Puntland waa in uu mar walba noqdaa mid ka qeyb qaadanaya dhisme Soomaaliyeed oo cadaalad, midnimo iyo federaal ku dhisan".

Dhanka kale, Deni ayaa ku waaniyey guddiga ku meel gaarka doorashooyinka Puntland in shaqooyinka ay qabanayaan ay noqoto mid hufan.

"Waxaadan qaban karin lacag haku qaadadina. Mashriicda aad qaadaneysaan ha noqdaan waxaad fulin kartaan. Waxa aad [u] gudbineysaa [Beesha Caalamka] ha noqdaan wax xaqiiqo ah sumcad u soo jiidaya Puntland iyo idinka".

Hogaamiyaha Puntland ayaa carabka ku dhuftay in xukuumadiisu ka go’an tahay hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda.

"Sababta ay nooga go'an tahay [hirgelinta doorasho qof iyo cod] waa in ay doorteen dadka Puntland, ma ahan in aan jecel-nahay ama aan neceb-nahay," ayuu daboolka ka qaadey madaxweynuhu.

Senator Cabdiraxmaan Faroole, madaxweynihii hore ee Puntland haddana ka tirsan Aqalka Sarre ee baarlamaanka Soomaaliya, ayuu uga mahadceliyey kaalintiisa dhaqan-gelinta nidaamka xisbiyadda.

Ugu dambeyntii, madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa ku dhaliilay Guddiga Doorashooyinka ku meel gaarka ah ee heer federaal, in ay siyaasadda ku milmeen, isaga oo ku waaniyey in ay muujiyaan dhex-dhexaadnimo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM