Puntland oo xukuntay shaqsiyaad lagu eedeeyay argagixisanimo

Image
Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland – Maxkamadda Ciidamadda Puntland ee gobolada Bari, Karkaar, Sanaag, Haylaan iyo Gardafuu ayaa Sabtida maanta ah waxay xukuno isugu jira dil toogasho iyo xabsi ay ku riday shan eedeysane.

Shaqsiyaadkan kasoo kala jeeda Koonfur Galbeed iyo Jubaland ayaa lagu soo eedeeyay in ay la shaqeynayeen kooxaha argagixisada ah.

Dacwad-oogeyaasha ayaa u sheegay xeer-beegtada in shaqsiyaadkan ay guriyahooda uga soo tageen "in ay laayaan shacabka Puntland, una socdeen in ay howlgao kasoo fuliyaan magaaladda Gaalkacyo".

Maxamuud Maxamed Saciid loo garan og-yahay Kabtan Boorash, oo 36-jir ah, ayaa lagu xukumay dil toogasho markii lagu helay dambiga.

Xasan Moosow Cali [Ibraahim], 17-sano jir, Cabdikariin Cali Maxamed [Cabdishakuur], 18-jir iyo Xuseen Cabduqaadir Maxamed [Shaafici], 16-jir, ayaa midkiiba waxaa lagu xukumay min 20 sano oo xarig ah.

Cabdiqafaar Saciid Yuusuf Aadan [Xasan Yare], oo 22 jir ah kuna dhashay magaaladda Kismaayo, ayaa lagu xukumay 15-sano oo xabsi ah.

Ibraahim Bile Maxamuud, gudoomiyaha Maxkamada ciidamada shanta gobol oo xukunka kaga dhawaaqay Boosaaso, ayaa xusay in xukumaneyaasha ay haystaan muddo 30 casho ah oo rafcaan qaadasho ah.

Al-Shabaab iyo Daacish ayaa si dhuumaaleysi ah uga howlgala qaybo kamid ah gobolka Bari, halkaasoo muddooyinkii ugu dambeeyay ay ku baacsanayeen ciidamadda ammaanka iyo dhigooda saaxiibadda caalamiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM