Puntland oo xukuntay shaqsiyaad lagu eedeeyay argagixisanimo

Image
Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland – Maxkamadda Ciidamadda Puntland ee gobolada Bari, Karkaar, Sanaag, Haylaan iyo Gardafuu ayaa Sabtida maanta ah waxay xukuno isugu jira dil toogasho iyo xabsi ay ku riday shan eedeysane.

Shaqsiyaadkan kasoo kala jeeda Koonfur Galbeed iyo Jubaland ayaa lagu soo eedeeyay in ay la shaqeynayeen kooxaha argagixisada ah.

Dacwad-oogeyaasha ayaa u sheegay xeer-beegtada in shaqsiyaadkan ay guriyahooda uga soo tageen "in ay laayaan shacabka Puntland, una socdeen in ay howlgao kasoo fuliyaan magaaladda Gaalkacyo".

Maxamuud Maxamed Saciid loo garan og-yahay Kabtan Boorash, oo 36-jir ah, ayaa lagu xukumay dil toogasho markii lagu helay dambiga.

Xasan Moosow Cali [Ibraahim], 17-sano jir, Cabdikariin Cali Maxamed [Cabdishakuur], 18-jir iyo Xuseen Cabduqaadir Maxamed [Shaafici], 16-jir, ayaa midkiiba waxaa lagu xukumay min 20 sano oo xarig ah.

Cabdiqafaar Saciid Yuusuf Aadan [Xasan Yare], oo 22 jir ah kuna dhashay magaaladda Kismaayo, ayaa lagu xukumay 15-sano oo xabsi ah.

Ibraahim Bile Maxamuud, gudoomiyaha Maxkamada ciidamada shanta gobol oo xukunka kaga dhawaaqay Boosaaso, ayaa xusay in xukumaneyaasha ay haystaan muddo 30 casho ah oo rafcaan qaadasho ah.

Al-Shabaab iyo Daacish ayaa si dhuumaaleysi ah uga howlgala qaybo kamid ah gobolka Bari, halkaasoo muddooyinkii ugu dambeeyay ay ku baacsanayeen ciidamadda ammaanka iyo dhigooda saaxiibadda caalamiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM