Puntland: Wasiirka Amniga oo gaaray gobolka Sanaag

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland- Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Amniga iyo DDR-ka dawladda Puntland Axmed Cabdullaahi Yusuf (Dowlad) ayaa maanta 12 Nov 2017 gaaray Magaalada Baran ee goboolka Sanaag, maalin ka hor waqti maamulka Somaliland uu galayo doorashadii Madaxtooyada.

Wasiirka ayaa waxaa safarka ku wehlinaayey Wasiiru dowlayaasha Xanaanada xoolaha, Dekeddaha, Wasiir Ku-xigeeno, xildhibaano iyo saraakiil ciidan, waxaana ku soo dhaweeyay qaybaha kala duwan ee bulshada.

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Puntland, ayaa lagu sheegay in socdaalka wafdigaas ay la xariirto sidii beesha Caalamka iyo dowladda Soomaaliya loo tusi lahaa in gobollada Sanaag iyo Haylaan aysan ka dhici doonin wax doorasho ah.

Wasiirka Amniga Puntland, Axmed Dowlad, ayaa tilmaamay in faragalinta iyo xadgudubka maamulka Somaaliland ee gobolada Sanaag iyo Hayland ujeedada ka dambaysaa ay tahay oo kaliya in la jaahwareeriyo shacabka, lana majaro habaabiyo beesha caalamka, loona sheego in shacabka gobolka Sanaag ay doorashooyin samaynayaan.

“Meesha aan joogaa waa Badhan, wax doorasho iyo calaamad doorasho oo ka muuqataa ma jirto, waxaan arrintaasi suurtagaliyay shacabka oo og, una bisil inay ilaashadaan oo xajistaan amniga, sharaftooda iyo ilbaxnimadii taarikhiga ahayd ee ay lahaayeen,” ayuu yiri Wasiirka Amniga Puntland oo hadalkiisa ku daray, “ Shacabka degan mandiqadan ma ah shacab soo maray gumaysi, Ma ah shacab u dulqaata in shacabka kale oo Soomaaliyeed oo iyagoo kale ah ay yiraahdaan annaga idiin xukumayna, taariikhda lagamuma hayo Shacab yiraahda shacab kale, annagaa tirakoobaynaa idiin maamulaynaa.”

Dowlad oo sii hadlaya ayaa intaas ku daray in siyaasadda Puntland ay tahay mid ku salaysan amni iyo wada noolaansho, isagoo xusay inaysan cidna duullaan ku ahayn.

“Dawladda Puntland cidna duulaan kuma qaado, cidna ma gardaraysato, cidwalba waxaanu doonaynaa inaanu nabad, Islaamnimo, walaaltinimo iyo somaalinimo kula nolaano, cidii intaa ka soo gudubtaa waajibkeedu waa gooni,” ayuu yiri wasiirka amniga Puntland.

Dhinaca kale waxaa deegmada Hadaaftimo ee gobolka Sanaag gaaray wafdi ay hogaaminayso wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Sucaad Saalax Xaaji Nuur.

Wafdigan ayaa la kulmay qaybaha kala duwan ee bulshada iyago amar ku bixiyay in la joojiyo dhaq-dhaqaaqyada la xariira doorashada Somaliland.

Arrintan ayaa timid xilli gobolka Sool laga dareemayo dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyado hadal shalay kasoo yeeray Murashaxa xibiga KULMIYE uu fariin hanjabaad ah u diray Puntland.

Gobollada Sanaag, Sool iyo Cayn waxaa muddo dheer ku muransanaa labada maamul ee Somaliland iyo Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM