Roobab xoogan oo dabalyo wata oo ka da'aya gobolada Puntland

Image

GAROWE, Puntland – Tan iyo xalay, waxaa qaybo kamid ah degaanadda Puntland gaar ahaan xeebaha ka da'aya roobab xoogan oo dabaylo wata.

Roobabka ayaa waxay saameeyeen degaano dhaca goboladda kala ah; Gardafuu, Bari, Sanaag, Sool iyo Nugaal si lamid ah qaybo kamid ah Ceyn.

Garowe, Boosaaso, Buuhoodle iyo Eyl ayaa la sheegayaa in ay kamid yihiin magaalooyinka uu sida culus uga da'ayo roobka.

Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, wasiirka arrimaha gudaha Puntland, ayaa xaqiijiyey in lasoo wariyey dhimashadda hal ruux iyo khasaaro maaliyadeed.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in dowladdu ku dedaaleyso sidii loo badbaadin lahaa dadka loona yareyn lahaa khasaaraha nafeed.

Wadada isku xirta magaalooyinka Garowe, iyo Boosaaso ayaa waxaa ku rogmaday gaadiid ay dadka saarnaayeen. Shilkan lagama soo warin dhimasho.

Isla wadadan ayaa la sheegayaa in ay ka go'dey meel muhiim ah xili ay ku socoto dayactir ay ku sameyneyso shirkad laga leeyahay Shiinaha.

Roobabka ayaa go'yey isgaarsiinta magaaladda Eyl. Adeegyadda shirkadda Golis ayaa hawadda ka maqan, wallow ay shaqeynayaan kuwa Somtel.

Garoonka diyaaradaha magaala madaxda Garowe ayaa hakad uu ku yimid maanta oo Sabti ah, mana jirin wax duulimaad ah oo ku degay.

Wararka ayaa sheegaya in shirkadda duulimaadka Itoobya ee Ethiopian Airlines la filayo in ay dib u dhigto duulimaad ay Garowe ku tagi lahayd.

Fahfaahinta ayaa intaas ku dareysa in ay jiraan Doonyo kalluumeysi oo ay saarnaayeen kalluumeysto Soomaali iyo Ajaaniib oo lagu la'yahay roobabka ka da'aya xeebaha.

Xogta khasaaraha waxay raacineysaa in ay jiraan dhowr qoys oo roobku ka qaadey xoolo fara badan kuwaas oo raq iyo ruux aan lagu hayn.

Roobabka ayaa kusoo aadaya xili ay jireen digniino ku aadan roobab dabalyo wata oo ku wajahan goboladda waqooyi barri Soomaaliya ee Puntland iyo Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM