Safiirka Masar oo booqasho maalmo qaadaneysa uga bilaabatay PL

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madxatooyada Puntland ee Garoowe ku Qaabiley wafti balaadhan oo uu hogaaminayo safiirka dalka Masar ee Soomaaliya Ambassador Maxamed Ibraahim Nasar.

Madaxweynaha Puntland ayaa ka warbixiyey kulanka muhiim ka ah ee uu la qaatay safiirka dalka Masar ee Soomaaliya iyo weftiga balaadhan ee uu hogaaminayo.

Mr Deni ayaa intaasi ku daray in wafdigaan oo maalmaha soo aadan kusii sugnaan doona Puntland ay booqan doonan magaalooyin ay kmaid tahay Boosaaso, xarunta gobolka Bari.

“Waxaa booqasho noogu yimiid safiirka Dowladda Masar ee aan walaalaha nahay iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo waxaan aad uga mahadcelinaynaa safiirka dedaalkiisa uu ugu jiro sidii uu u kobcin lahaa xiriirka iyo wadashaqaynta dalka Masar iyo Soomaaliya wadahadalladii qaybihii hore ayaan yeelanay, qayba danbe waan yeelan doonaa mudo sadex bari ahna dalka way ku sugnaan doonaan ilaa magaalada Boosaaso ayey tegi doonaan," ayuu yir Deni.

Hogaamiyaha Puntland oo sii hadlaya ayaa daboolka ka qaadey ujeedka booqashada wafdiga ka socda dalkaasi Carbeed.

"Safarkan wuxuu ku waajahan yahay sidii loo kobcin lahaa xiriirka ganacsi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, gar ahaan Puntland iyo xiriirka wax wada qabsi ee dhinacyada horumarinta, caafimaadka, waxbarashada, Cadaaladda, kalluumaysiga iyo khayraadka kale ee xoolaha iyo wixii la halmaala”Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Ambassador Maxamed Ibraahim Nasar ayaa dhankiisa ka warbixiyey kulanka muhiim ka ah ee uu la qaatay Madaxweynaha Dowladda Puntland.

“Waxaan ka mahadnaqaynaa qaabilaadda wanaagsan ee aan kala kulanay Madaxweynaha Puntland, waxaan ahay Safiirka Masar ee Soomaaliya, waxaa safarka igu wehelinaayey wafti balaadhan, safarkaygu wuxuu ku salaysnaa xiriirka ganacsi ee Puntland iyo Masar iyo ka caawinta Puntland fursadaha banaan, khaasatan waxbarashada, Caafimaadka iyo Amniga"

"Masar waxay ahmiyad balaadhan siinaysaa xiriirka walaalahooda Soomaaliyeed iyo xiriirka taariikhiga ah ee ka dheexeeya Masar iyo Soomaaliya, gaar ahaan Puntland xiriirkaas oo soo bilaabmay xilligii Faraaciyiinta, intan joogno waxaan kulamo kala duwan la qaadandoonnaa goleyaasha kala duwan ee dowladda, waxaanna safaro ku tegaynaa magaalooyin dhowr ah” Ayuu yiri Ambassador Maxamed Ibraahim Nasar

Kulanka Madaxweynaha Puntland waxaa ku wehelinayey Wasiirka Wasaardda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Cawil Sheekh Xaamud, Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdiqafaar Cilmi Xaange, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Jaamac Faarax Xasan, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Cabdullaahi Maxamed Xasan, Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Siciid Cismaan Aadan iyo Agaasime Ku-xigeenka Madaxtootada Dowladda Puntland Cabdiweli Cali Timacade.

Wafdigaan Masaarida ka socda ayaa horudhac ah wafuud kale oo ay horkacayaa qaar kamida danjireyaasha dalalka caalamka u fadhiya Soomaaliya kuwaasi oo arrimaha Puntland aad u daneenaya.

Puntland State House + GO

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM