Senator Faroole oo ka hadlay tacliinta iyo shahaadada Puntland

Image

GAROWE, Puntland – Senator Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo ka hadlay nidaamka waxbarashadda Puntland ayaa ku tilmaamay in uu yahay mid leysku haleyn karo, isagoo ardayda ku tartarsiiyey in ay ku kalsoonaadaan.

Madaxweynihii hore ee maamulkan xubinta ka ah federaalka Soomaaliya ayaa sheegay "in shahaadada Puntland ay haysato aqoonsiga dowlado badan".

Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Horseed ayaa xusay in aan tanaasul laga sameyn karin xuquuqda dastuuriga ah ee maamul goboleedyadda u ogolaanaya in ay si gaar ah u maamushaan Imtixaanka Shahaadiga ah.

"Ma jirto shahaado laga tanaasulayo iyo program laga tanasulayo oo aan loo dhameyn, ciddii iyadda challenge-ga wadda horta wax haka keento meesha ay joogaan markaa ka bacdi baa leysku darsamayaa, waa la kala dhisamayaa hadhow baa leysku dhisamaayaa; dib-u-heshiisiinta Soomaaliya wali waa dhiman tahay, dastuurkiina wali waa dhiman yahay marka waxna lama sameyn, dowladii baaba kala tagtay Prime Minister-kii baa la eryay maxaa meesha yaala?” ayuu ka yiri xaflad qalin-jebin oo uu kaga qeybgalay caasimada Garowe.

Faroole ayaa meesha ka saarey jiritaanka in arday ka tagtay Puntland ay galeen Imtixaanka Shahaadiga ee dowladda federaalka qabatay sanadkan, arritaas oo Wasaaradda Tacliinta waddanka ay horey uga dhawaajisay.

"Haduu jiro waa 600 ceebeysan; wax meel dhisan oo nidaam ah ka tegay oo meel aad arkeyseen, waxaan arkaayey video [muuqaal] imtixaan la xaday oo la isku gud-gudbinaayo oo meel walba la isku dir-diraayo, marka wax sax ah nin ka tagay oo wax qalad ah qaatay ma jiro; nidaam diid-weye waxaasi federaal diid-waye ha dhageysanina," ayuu hoosta ka xariiqay.

Ugu dambeyntii, Senator Faroole ayaa kula dardaarmay ardayda in ay aaminaan Jaamacadaha Gudaha kuna qaataan heerka koowaad ee Tacliinta.

Dowladda Soomaaliya si gaara Wasiirka Waxbarashadda federaalka Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa wajahaya eedeyn ku saabsan in ay siyaasadeyay waxbarashadda gaar ahaan Imtixaanka.

Puntland oo hormuud u ah nidaamka federaalka Soomaaliya ayaa loo aqoonsaday meesha ugu nidaamka wanaagsan marka ay timaado Imtixaanaadka iyo maamulkiisa si gaar ah ka hortagga in uu la dusiyo ama la bixiyo qish.

MUUQAALKA FAROOLE

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM