Sweden oo bogaadisay kaalinta Puntland ee federaaleynta Soomaaliya

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Madaxtooyada kula kulmay wafdi uu hogaaminayo Safiirka Sweden ee Soomaaliya, Staffan Tillander iyo ku-xigeenkiisa Johan Svensson.

Kulanka uu Madaxweynuhu kula qaatay xafiiskiisa safiirka dalka Iswiidhan ee Soomaaliya ayaa waxaa ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirada iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada.

Deni ayaa safiirka kusoo dhaweeyey Puntland, waxa uu uga mahadceliyey doorkii dowladda Iswiidhan ku lahayd dib u dhiska Soomaaliya iyo guud ahaan horumarada kala duwan ee ay dalka ka geysteen.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey mashaariicda horumarineed ee dalka Iswiidhan ka wadaan dalka iyo wadashaqaynta wanaagsan ee ka dhexaysa labada dhinac.

Dhinaca kale, Tillander ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay imaan-shihiisa Puntland, waxa uu tilmaamay in ay sharaf u tahay markii ugu horeysey inuu la kulmo Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

Safiirka ayaa xusay in Soomaaliya iyo dalkiisa, gaar ahaan Puntland ka dhexayso xiriir wanaagsan oo dhanka siyaasadda ah, isla mar’ahaantaana uu rajaynayo in la sii xoojiyo.

Staffan Tillander oo socdaalkan uu u yahay midkii koowaad oo gobolada dalka uu ku tago ayaa bogaadiyey doorka Puntland ee diqmoraadiyeynta iyo adkeynta federaalka Soomaaliya.

"Waxaan kaloo dooneynaa in aan xoojino nidaamka federaalka oo Puntland ay kaalin wanaagsan ka cayaareyso," ayuu hadalkiisa ku daray, isaga carabka ku adkeynaya.

Danjiraha, oo saxaafada u waramay, ayaa daboolka ka qaaday in ay qorsheynaynaa maalgeshi ay ku sameeyaan Soomaaliya gaar ahaan degaanadda dowladda Puntland.

"Tani waxay muhiim u tahay gobolka, Soomaaliya," ayuu ku xusay. "Waxayna xoojineysaa sii socoshada geedi u socodka dimoqraadiyeynta, dowlad-dhisidda iyo dib u heshiisiinta," ayuu tibaaxay.

Sweden ayaa kamid ah daneeyeyaasha saaxiibadda caalamka ee dalka dhaca Geeska Afrika isla markaana ka taageera dhinacyadda ammaanka, dowladnimada, adkeynta federaalka iyo kobcinta dhaqalaaha.

MUUQAALKA KULANKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM