Taliyaha Boliiska Puntland oo dhaliiley howlgalka ka socda Garowe [ Dhageyso]

Image

BOSASO, Puntland- Taliyaha guud ee ciidamada Booliiska Puntland Cabdulqaadir Faarax Shire (Ereg), ayaa markii ugu horraysay ka hadlay howlgal amni oo todobaadkii hore ka billowday magaalo madaxda Puntland ee Garowe kaasoo ay fuliyaan ciidamada kumaandoosta iyo kuwa PSF-ta.

Ereg oo haatan ku sugan magaalada Carmo, ayaa Idaacadda VOA u sheegay in amniga Puntland uu yahay mid wanaagsan 80% balse wuxuu dhaliilay qorshaha kasocda magaalada Garowe isagoo caddeeyay inaysan ku lug lahayn ciidamada Booliiska.

Generalka, ayaa tilmaamay in qaabka loo sugayo amniga caasumadda Puntland uu hareer marsanyahay sida uu qabo dastuurka iyo xuquuqda muwaadiniinta, wuxuuna intaasi ku daray in ciidamo bilaa anshax ah lagusoo daadiyay magaalada. 

Wuxuu xusay in mid kamid ah Ilaaladiisa lagu dhaawacay howlgalka Garowe, isagoo dhaliilay in dad shacab ah dushooda xabado lagu rido sabab la'aan.

"Dhalinyaro aan aqoon shuruucda hubka iyo qaabka dadka loola macaamulo ayaa magaalada lagusoo daayay, halka askari oo ciidanka Booliiska kamid ah oo arrintaasi ku jira majiro,"Sidaas waxaa yiri taliyaha ciidamada Booliiska Puntland. Cabdulqaadir Farax ayaa hadalkiisa ku daray in dadku leeyihiin ixtiraam islamarkanaa laamaha amniga ka mudanyihiin ilaalin sidaas darteed aan loo baahnayn in iyaga la waxyeelleeyo. 

Taliyaha Booliiska Puntland oo horey u ahaan jirey Gudoomiyaha gobolka Mudug ayaa xilkaan iska casiley kadib markii Madaxweynaha Puntland shaqadiisii uu gacanta u galiyey shaqsiyaad xafiiskiisa Ka tirsan.  

Taliyaha ayaa sidoo kale wax laga weydiiyay dhalinyaro katirsan Daacish iyo Al Shabaab oo maanta lagusoo bandhigay magaalada Bosaso, wuxuuna sheegay inay jiraan islamarkaana howlgallo kala duwan lagusoo qabtay isagoo sheegay inay ku socoto baaritaan ujeedka loosoo bandhigayna tahay inay kuwaano qaataan kuwa kale ee kooxahaasi kamid ah. 

Hadalkan ayaa imaanay xilli magaalo madaxda Puntland kasocdo howgal loogu magac daray Danab kaasoo ay fulinayaan ciidamo malateriga kuwasoo ay ku ururinayaan hub sharci darada ah islamarkaana sheegeen in laga kicinayo dad sharci daro ugu habsadey dhulka.

 GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM