Wafdi ka socda urur goboleedka IGAD oo ku wajahan Puntland [ Sababta]

Image

GAROWE- Magaalo madaxda Puntland ee Garowe ayaa waxaa ku soo wajahan wafdi ka socda urur goboleedka IGAD kuwasoo kulamo la qaadanaya madaxda maamulkaas.

Warar lagu kalsoon yahay oo warsidaha GO ka heley ilo ku dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya in wafdigaan la filayo maalinta Isniinta ama Talaadada soo gaaraan magalada Garowe kuwasoo u socda sidii xal looga gaari lahaa colaada u dhexeysa maamulada Puntland iyo Somaliland.

Wafdigaan oo ka kooban wadamada ku bahoobey urur goboleedkaa IGAD ayaa sida wararka aan ku heleyno waxaa hogaaminaya saraakiil ka tirsan dalka Ethiopia.

Dalka Ethiopia ayaa sida warsidahaan horey u sheegey waxaa dalalka daneeya arimaha Soomaaliya iyo QM u xilsaareen xalinta colaadaan. Wadanka Ethiopia madaama uu xiriir dhow la leeyahay labadaan maamul. Halkaan ka akhri 

Xogaha ku hareereysan socdaalka IGAD ay ku tagayaan Puntland iyo Somaliland ayaa sida  GO ogaadey waxaa uu diirada saarayaa sidii labada ciidan ee maamuladaan loo kala qaadi lahaa.

Qorshaha wadamada hormuudka u ah xalinta khilaafkaan, islamarkaana ay wadaan wafdiga  IGAD ayaa ah in ciidamada Somaliland u guuraan fariisinkoodii hore ee Gambara halka Puntland dib ugu soo noqoneyso Tukaraq. 

Socdaalkaan ayaa ku soo aadaya qoraal dhowaan golaha amaanka ka soo saarey colaada gobolka Sool kuwasoo ku baaqey in labada maamul “Puntland & Somaliland” joojiyaan dagaalka islamarkaana dib u kala qaadaan ciidamadooda isku horfadhiya jiida hore ee Tukaraq.

Puntland iyo Somaliland oo hadalo colaadi ku jirto is-waydarsanayey asbuucyadii lasoo dhaafey ayaa waxay wadaan Xoojinta ciidamada isku horfadhya Tukaraq.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM

Maxay tahay sababta Puntland uga qeybgalaynin Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran?

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala kulmaya beesha Caalamka cadaadis ku aadan mideynta dalka iyo xalinta khilaafaadka.

  • Puntland

    26-04-2025

  • 11:54AM