Wararkii ugu dambeeyay diyaar-garowga caleema-saarka Madaxweynaha Puntland

Image

GAROWE, Puntland - Waxaa shalay oo Jiimco ahayd gaarey wafuud kala duwan oo ka kala socoda maamul goboleedyada dalka, siyaasiyiin, mas'uuliyiin hore iyo dowladda Federaalka ah ee Somalia.

Madaxweynihii hore ee Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur, gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADAJIR, Gudoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ku sugan Garowe.

Madaxweyneyaasha Jubbaland, Amed Madoobe, Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-Gareen, HirShabeelle, Maxamed Cabdi Waare, Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa xalay ku hoyday Puntland.

Madaxweynihii hore ee Somalia, Sheekh Shariif ayaa sidoo kale kusoo wajahan Garowe, isago iyo siyaasiyiin kale oo lagu casuumay ka qeyb-galka xafladda caleema-saarka.

Wufuudan ayaa u tagey caasimadda Puntland, caleema-saarka Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni, oo lagu wado inay caawa ka dhacdo magaalada Garowe, iyadoo amniga si weyn loo adkeeyay.

"Puntland waa meel mudan in lagaga deydo waxyaabo badan oo ay kamid tahay sida ay uxaliyaan waxyaabaha dhaca iyo xil kala wareejin," ayuu Axmed Madoobe yiri, isagoo raaciyay hadalkiisa “caleema saar mahinee waa galbin!"

Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu gaaro Garowe, iyadoo ay magaalada ka socota soo dhaweyntiisa, iyadoo ciidamo ilaalo u ah ay shalay uga hormareen.

Xaflada caleema saarka Madaxwayne Deni oo isha si wayn loogu wadahayo ayaa ah madal kulmin doonta siyaasiyiin si wayn ukala aragti duwan, iyada oo khudbadaha ay jeedin doonaa dulka, maqalka iyo dareenka la amaahin doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM