Wasiir ka bogsaday Covid-19 oo talooyin muhiim jeediyey shacabka

Image

GAROWE, Puntland – Dowladda Puntland ayaa horaantii bishaan shaacisay in xubno kamid ah Golaha Xukuumadda laga helay safmarka Coronavirus, kaas oo kiisas dhowr ah laga xaqiijiyey maamulka iyo guud ahaan wadanka.

Fardowsa Cismaan Cigaal, wasiiru dowlaha shaqada iyo shaqaalaha Puntland, ayaa kamid ah xubnaha uu soo ritay cudurka. 10-kii May, 2020 ayay heshay natiijadda sheegeysa in ay la nooshahay caabuqa.

Wasiiradda oo wareysi gaar ah siisay warsidaha Garowe Online ayaa xustay in muddo asbuuc ah ay isku gartay astaamaha; qandho [xuumad] badan, kor xanuun, calool xanuun badan iyo dhuun-xanuun.

Nasiib wanaag, laba maalmood kahor 26-kii May, 2020, kadib markii baaritaan labaad ay martay waxaa la xaqiijiyey in ay bogsatay.

Bogsashadaas ayaa timid kadib muddo saddex todobaad ah oo ay la halgameysay siddii ay uga caafimaadi lahayd fayruskaas faafa.

"Xanuunkaan waa caabuq aduunka kusoo saa'iidey, waxayna u eg-tahay in uu noqon doono xanuunada caadiga ah ee joogi doona ee dadka bini'aadamka ah ku dhaca in uu kamid noqon doono sidda Jadeecada, Aids-ka oo kale [iyo] fayrusyadda aduunka ka jira in uu kamid noqon doono; marka ma ahan wax mucjiso ah oo aduunka kusoo saa'iidey [kaliya] waxaa waaye fayrus kale oo aduunka kusoo saa'iidey, marka aan laga didin, yaan laga cararin, laakiin waxaa loo baahan yahay in laga hortago," ayay ku talisay.

Intii lagu guda jiray wareysiga, Fardowsa oo dib u milicsatay waaya-aragnimadeeda maalmaha cudurka la-il-darneyd ayaa soo bandhigtay talaabooyin ay qaaday, kuwaas oo ugu yaraan sahley in ay ka kacdo.

"Waxyaabaha aan sameeyay"

Qaar kamid ah qodobadda ay soo jeedisay waxay aas-aas u yihiin ka hortagga Covid-19, waana talooyin ay isku raacsan tahay dunida oo dhan.

"Waxaa kamid ah waxyaabaha aan sameeyay markaan isku arkay calaamadaha oo aan dareemay in xanuunkan uu i haayo; waxaan sameeyay karantiil baan galay guriga ayaan joogay banaanka uma bixin waxaan bilaabay waxyaabihii mudaawaadka ahaa oo dadka Soomaalida dadka kula taliyaan oo waxyaabo la cabo u badan waxaa kamid ah; Sanjabiil, biyo kulul oo la cabo, Liin-dhanaan, Toon iyo wax leysku shiido oo cabitaan laga dhigto oo la cabo iyo sidoo kale leysku huuriyo inta la karkariyo," ayay hadalkeeda raacisay.

Kadib markii ay talaabooyinkaas qaadey ayay tibaaxday in muddo tobban maalmood gudaheeda ah ay isaga weysay qaar kamid ah calaamadihii ay korkii hore isku aragtay isla markaana urtii u soo laabatay.

Sikastaba, Fardowsa ayaa kamid ahayd xubnihii Xukuumadda Puntland ee ka qeyb-qaatay gurmadka loo fidiyey Qardho kadib daadadkii kusoo rogmaday. Cudurka wuxuu haleelay markii ay safarkaas kasoo laabatay.

Shacabka ayay ku boorisay in hadii ay isaga shakiyaan xanuunka ay durba la xiriiraan Wasaaradda Caafimaadka si loo baaro isla markaana aysan u fidin iyagoo aan ka war hayn hadii ay qabaan Coronavirus.

Ugu dambeyntii, dadweynaha ayay kula dardaarantay in ay ka feejignaadaan cudurka isla markaana u qaataan in uu lamid yahay xanuunada kale ee dadka ku dhaca maadaama uusan lahayn daawo balse loo baadigoobayo.

Wareysiga

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM