Al-Shabaab oo laba ruux ku toogatay gobolka Hiiraan

Image

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabaab ayaa fagaare ku yaalla tuuladda Buq-aqable ee gobolka Hiiraan ku toogatay shalay gelinkii dambe laba ruux, oo ay ku eedeysay inay la shaqeynayeen Maamulka HirShabeelle.

Labada nin oo lagu kala magacaabi jiray Cabaas Max'med Cismaan iyo Axmed Maxamed ayay Al-Shabaab kasoo qabatay degaanada Booco iyo Buurdheere, oo kawada tirsan gobolka Hiiraan, ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Axmed ayaa lagu eedeeyay inuu ahaa Askari katirsan HirShabelle, halka Cabaas lagu soo oogay dembi basaasnimo, isagoo la shaqeynayay Sirdoonka Maamulkaas, sida lagu sheegay war qoraal ah oo Al-Shabaab soo saartey.

Ma helin labadaan nin qareenno u dooday, waxaana kiiskooda go'aan ka gaartay Maxkamad ay Al-Shabaab leedahay, taasoo ah mid ka baxsan xeerarka caalamiga ah ee xusuuqda aadanaha iyo maxaabiista.

Kooxda Al-Shabaab oo mudo ka badan 10 sano dagaal kula jirta dowladda iyo AMISOM, ayaa inta badan ka fulisa degaanada ay ku sugan tahay dilal toogasho ah, gowrac iyo jeedalayn ka dhan ah shaqsiyaad ay ku eedeyso basaasnimo, askar dowladeed inay yihiin iyo kuwa kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM