Al-Shabaab oo si naadir ah guddi ugu saartay la socodka Covid-19

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dagaalameyaasha Al-Shabaab oo war-saxaafadeed soo saarey ayaa si naadir ah shaaca uga qaadey in ay guddi u saareen la socodka safmarka halista badan ee Coronavirus.

Bayaanka oo lagu sheegay in xanuunka "aanan wali lagu arkin" degaanada ay maamulan ayaa lagu xusay in xubnaha guddiga ay ka kooban yihiin todoba la qariyey magacyadooda.

Warbaahinta ku hadasha afka xoogagaas gacansaarka la leh shabakadda ee Al-Qaacida ayaa waxay wariyeen in xubnaha guddiga ay "isugu jiraan dhakhaatiir, culimo iyo wax-garad".

Sidda looga dhawaajiyey qoraalka, magacaabida ayaa ka dambeysay kadib kulan ay yeesheen hogaanka sarre ee kooxda hubeysan iyo dad ka yimid Muqdisho, Jowhar iyo Kismaayo.

Magaalooyinkan ayaa kamid ah goobaha ay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ka xaqiijisay xaalado la xiriira Covid-19 oo kiisaskiisa laga helay dalka ay sii marayaan 1,219.

Ma cadda qaabka ay kooxda ku heli doonto mashiinka lagu ogaado xanuunkan dilaaga ah iyo dhamaan agabka muhiimka u ah ka hortaggiisa.

Covid-19 oo dunida oo dhan ku laayey in ka badan 264-kun oo ruux kuna dhacay 4.31 milyan oo ruux ayna ka bogsadeen 1.51 milyan kale ayaa kasoo bilowday bartamaha China, bishii December.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Markabkii Puntland Qabatay ee Muqdisho ku wajahnaa oo loo weeciyay Jabuuti

Tani waxay ku soo beegmaysaa iyadoo uu khilaaf xoogan u dhaxeeyo dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland.

  • Soomaliya

    18-08-2025

  • 11:41AM

XOG: Mucaaradka oo Ka Shaqeynaya Qorshe Cusub oo Ka Dhanka Ah Xasan Sheekh 

Waxaa la filayaa in tallaabadani ay qeyb ka noqoto dagaalka siyaasadeed ee ka dhanka ah Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    18-08-2025

  • 07:32AM