Al-Shabaab oo Xildhibaan ku dishay Koonfurta Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabaab ayaa weerar ku qaadey Gaari HOMY ah, oo ay la socdeen dad shacab ah iyo Xildhibaan katirsan Baarlamaanka maamulka HirShabeelle xili uu marayay inta u dhaxaysa Jowhar iyo Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dabley hubeysan oo wajiga soo duubtay ayaa markii ay joojiyeen Gaariga rakaabka kala degay Xildhibaan Maxamed Maxamuud Siyaad, waxayna ula dhaqaaqeen dhinaca degaanka Yaaqle, halkaasi oo ay ku toogteen mudanaha.

Xildhibaanka dilkiisa waxaa xaqiijisay Canab Ciise Axmed, oo ah gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka HirShabeelle, iyadoo sheegtay in jidka isku xira Balcad iyo Jowhar noqday mid lagu ugaarsado mas’uuliyiinta maamulkeeda.

Al-Shabaab ayaa horey qaraxyo iyo weeraro ugu dishay Xildhibaanno iyo saraakiil katirsan maamulka HirShabeelle oo jidka u gashay xiliga ay ku safrayeen wadada manta uu dilka ka dhacay ee duleedka Balcad.

Amni la’aanta iyo weerarada joogtada ayaa ku khasbay mas’uuliyiinta HirShabeelle inay safar diyaaradeed isticmaalaan, iyadoo kuwa kalena isku dhexqariya gaadiidka dadweynaha, oo mararka qaarAl-Shabaab kala degto, kadibna ay disho sidii manta dhacday oo kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo ka digay firaaq dastuuri ah haddii aan heshiis laga gaarin doorashooyinka Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale sheegay in tallaabooyinka xiga ee Puntland ay ku xirnaan doonaan dareenka shacabka.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 05:09AM

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM