AlShabaab oo shaacisay tirada odayasha 'fuliyay' amarkooda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xoogaga Al-Shabaab ayaa shaaciyey tirro odayaal dhaqameedyo ay sheegeen in ay "u hogaan-sameen" amarkooda, isla markaana ay "is-diiwaangeliyeen".

Warbaahinta ku hadasha afka kooxdan xiriirka la leh Shabakadda Al-Qaacidda ayaa lagu xusay in ay amarkooda qaateen 159 nabadoon oo ku kala nool goboladda Soomaaliya.

Marka laga reebo dowladda Puntland, Shabaabku waxay soo bandhigeen tiradda maamul walba oo kuwa waddanka ka jira ah oo ay shaaciyeen in ay"towbad keeneen".

Sidda ku xusan warbixinta, maamulka ugu badan ee ay odayaasha iska soo diiwaan-geliyaan ayaa wuxuu yahay HirShabelle, kaasi oo ay ka yimaadeen 53 oday.


Saamiga maamulada iyo odayaasha fuliyey amarka AlShabaab

Jubbaland: 33 Oday Dhaqameed

Hirshabelle: 53 Oday Dhaqameed

Koonfur Galbeed: 40 Oday Dhaqameed

Galmudug: 33 Oday Dhaqameed


"Odayaasha degaanadda Puntland waxaa towxiidka looga qabtay khadka telefoonka," ayay warbaahinta Al-Shabaab kasoo xigatay sarkaal khariyey magaciisa oo ka tirsan maleyshiyaadkaasi.

Horaantii bishan, 15-ka July, ayay ahayd markii ay Al-Shabaab soo saartay amar ay ku fareyso Odayaal Dhaqameedyadda ka qaybgalay doorashadii 2017-kii in ay si degdeg ah ku yimaadan degaanada ay maamulan.

Bayaanka ayay ku sheegtay Al-Shabaab in ay khaarijin doonto odayaasha aanan u hogaan-samin fariintooda, inta fulisana ayay sheegtey in ay "ammaan siin doonto".

Taliska Booliska maamulka Koonfur Galbeed oo uga digay cuqaasha in ay u hogaan-samaan amarka Al-Shabaab ayaa shaaciyey in Nabadoonkii dhaqan-gelin xabsi la dhigayo, marka uu soo laabto.

"Waxay bad-baadin karaan ma jirtee, kaliya waxay ka doonayaan dhaqaale ama waxay rabaa in ay ku dhahaan 'Keena qorri iyo rasaastiisa' maadaama ay saanad u la'yihiin askarigii ay qorteen," ayuu yiri taliska.

Al-Shabaab oo wali gacanta ku haysa qaybo kamid ah gobolada Soomaaliya ayaa la rumeysan yahay in ay u suurtogelineyso dhaqal-qalka amarada ay soo saaran oo xitaa ka fula Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Mar Kale Adkeeyay Madax-bannaanida iyo Midnimada Soomaaliya

Midowga Afrika ayaa ku celiyay in ilaalinta midnimada dhuleed ee Soomaaliya ay tahay arrin saldhig u ah xasilloonida Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    16-02-2026

  • 11:26AM

Turkiga oo Markabka Casriga ah ee Çağrı Bey u soo Diray Soomaaliya

Tallaabadan ayaa waafaqsan aragtida Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ee ah in Turkigu noqdo dal soo saara tamarta uu isticmaalo.

  • Soomaliya

    15-02-2026

  • 06:12PM