AlShabaabkii laga saaray Shabeellaha Hoose oo 'u wareegay' HirShabelle

Image

BELEDWAYNE, HirShabelle – Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa si furan u sheegay AlShabaabkii laga racdeeyay qaybo kamid ah Koonfur Galbeed ay u wareegeen gobolada maamulkiisa HirShabelle.

Ciidamadda ayaa tuulooyin badan oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose ka xorreeyay maleyshiyaadka gacansaarka la leh Al-Qaacida, taasi oo keentay in dagaalameyaasheeda "u guuraan" gobolka kale.

Bariire, Awdheegle, Sabiid, Caanoole iyo kuwa kale ayaa waxay qayb ka yihiin meelaha muhiimka ah oo ay xoogaga dowladda qabsadeen, walina baaqi ku ah gacantooda.

"Annaga hadaan nahay HirShabelle culeys fara badan oo aan wax badan qarsanay oo aan ka tacaalnay ayaa na fuula. Hadda wuxuu soo gaarey meel aanan qarsan karin," ayuu ka sheegay Beledwayne, xarunta gobolka Hiiraan.

Sidda laga soo xigtay warbixino dhanka sirdoonka ah, xubnaha AlShabaab qaarkood ayaa soo galey magaala madaxda Muqdisho.

HirShabelle iyo Koonfur Galbeed oo kamid ah maamulada xubinta ka ah dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay wadaagaan xuduud.

"Howlgalada ka socda Shabeellaha Hoose, waa walaalaheen waan ogol nahay in cadowga laga dulqaado…laakiin cadowgii Shabeellaha Hoose lama layn…wadanka ama bixin…annagoo noosoo guuray, oo uu nala joogaa," ayuu xusay.

Walaac Waare ayaa soo ifbaxaya xili AlShabaab weeraro kala duwan ay todobaadkan ka fulisay labada Shabelle, kuwaasi oo ay ku dishay mas'uuliyiin iyo askar ka tirsan howlgalka AMISOM.

Sabtidii, 14-ka September, qarax uu wehliyo weerar gaadmo ah oo ka dhacay duleedka Balcad ee Shabeellaha Dhexe, ayaa lagu khaarijiyey gudoomiye ku xigeenkii gobolka iyo wasiir hore oo HirShabelle.

Isla maalintan, iyadda uu ra’iisul wasaare Khayre ku sugan yahay, madaafiic ayaa lagu garaacay Marka, wallow ay ku dhaceen guri rayid, haddana waxaa ku geeriyoodey laba dumar ah; tirro kelana Isbitaal ayaa loo dhigay.

Axadii, 15-ka September, qarax loo dhigay cutubyo ka tirsan taliska Midowga Afrika gaar ahaan Burundi ayaa lagu naf-gooyey 12, taasi oo ka dhigeysa wadada ugu badan lagu laayey askarta shisheeye.

Isla maalintan, AlShabaab ayaa laba jeer weerartay magaaladda Qoryooley, wallow la iska caabiyey, haddana waxyeelo shacab ayaa jira.

Sidoo kale, kolanyo ay la socdeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmadaas oo ka qeybgalay soo dhaweynta Khayre ayay jidka ugu galeen duleedka Marka, iyaga oo ka dilay laba askari, dhaawacayna xubno kale.

Si lamid ah, kolanyo uu la socday gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose, Ibraahim Aadan Najax, ayaa la qarxiyey; dhimashada wali lama tirro koobin, hase ahaatee Shabaabku guulo ayey ka sheegteen.

"Waxaan ugu baaqeynaa dhamaan cid kasta oo arrintaas saameyn ku leh ha ahaato dowladda dhexe illaa iyo tuulo in ay wax ka qabato," ayuu ku daray, isaga oo u muuqda mid dalbanaya jawaab degdeg ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM