Axmed Madoobe oo difaacay shuruudihii ay DF hor-dhigeen

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Madaxaynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa magaalada Kismaayo ee xarunta maamulkiisa kula kulmay Wafdi ka socday Aqalka sare oo Waanwaan ka dhex-wada dowlada dhexe iyo Gollaha Iskaashiga maamulada.

Wafdiga oo shalay oo Isniin ahayd gaarey caasimad goboleedka Jubadda Hoose ayaa ujeedkoodu yahay soo afjaridda khilaaf siyaasadeed oo ka dhex-qarxay Villa Soomaaliya iyo maamulada, kaasoo sababey inuu hakad ku yimaado xiriirka labadda dhinac.

Madoobe oo warbaahinta u waramay kadib kulanka ayaa cod dheer ku sheegay inuu ugu-dbiyey wax kasta oo uu ka tabanayo maamulkiisa dhanka dowladda Federaalka, gaara ahaan heshiisyo uu sheegay inay ka galeen dhinaca Amniga iyo siyaasadda.

Hogaamiyaha Jubaland rajo ka muujiyey inuu mira dhalo doorka Aqalka Sare, si gaar ah wuxuu farta ugu fiiqay inay muhiim tahay fulinta heshiisyada ay la galeen madaxda dowladda shirkii ugu dambeeyay ee Gollaha Amniga Qaranka.

"Lix bilood ayey ahayd in lagu fuliyo heshiiskii aan la galnay dowladda shirkii Beydhabo, taasoo aanan dhicin. Qalabka ciidanka waxay ahayd inaan ku helno mudadaasi, taasoo aanan dhicin," ayuu Axmed Madoobe ku yiri wareysi uu saxaafada siiyey.

Dib udhaca ka yimid dhanka dowladda ayuu shaaca ka qaaday Axmed Madoobe inay wada uxaartay inay qaadi waayeen howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab, maadaama aysan haysan Hub ku filan ciidamada ku sugan deeganahooda, siduu hadalka uyiri.

Kalsooni wayn oo la siiyo ciidamada xooga dalka ayuu ku baaqay Axmed Madoobe, isaga oo ku nuux-nuux saday in loo baahan yahay inay masuuliyiinta dowladda ka shaqeeyaan sidii looga kaaftoomi lahaa howlgalka nabad illaalinta ee AMISOM.

Ugu dambeyn, Madoobe ayaa difaacay shuruudihii ay ku xireen kasoo qaybgalka shirka uu ic-laamiyey Madaxwayne Farmaajo, kaasoo haatan baaqday, isaga oo tibaaxay inay muhiim tahay in la helo daraf saddexaad oo kala dhex-gela iyaga iyo dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM