Axmed Madoobe oo ka walaacsan xiriirka liita ee DF iyo maamulada

Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo gudoomiyay shirka Golaha Wasiirada Jubaland ayaa walaac ka muujiyey xiriirka liita ee dowladda iyo maamulada.

Shirka oo todobaadle ah kana soo qeybgaleen wasiirada badankooda ayaa ku qabsoomay Kismaayo, oo ah magaalo madaxda ku meel gaarka ah ee dowlad goboleedkaas.

Ugu horeyn, Axmed Madoobe oo ka hadlay kulanka ayaa dulmar ku sameeyay xaalada guud ee dalka si gaar ah amniga, siyaasadda iyo doorashooyinka soo aadan.

Sidda lagu sheegay qoraal kasoo baxay golaha, madaxweynuhu wuxuu sheegay in wada shaqayn la'aanta dowladda iyo maamulada ay saameysay amniga iyo doorashooyinka.

Hanaanka doorashooyinka ayuu ku nuux-nuux saday in ilaa hadda aan wax hormar ah laga samaynin, isagoo xukuumada federaalka ku eedeeyay in ay isku koobtay talada.

Doorashooyinka Soomaaliya ee 2020 ayuu qorshuhu ahaa in ay noqdaan qof iyo cod, balse waxaa laga muujinayaan shaki kadib markii la ansixiyey "sharci aan loo dhameyn".

Dhinaca kale, Gudiga dakhliga ee Jubaland ayaa laga dhagaystay warbixin la xiriirta xaalada dhaqaalaha iyo sidii loo dardar galin lahaa.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa kadib warbixinta wuxuu faray in hanaanka canshuuraha iyo dakhli abuurida la xoojiyo sanadkan bilowga ah.

Wasaarada Xanaanada ayaa waxay soo bandhigtay warbixin ku saabsan shir looga hadlay hanaanka talaalka xoolaha iyo sidii loogu mari lahaa qaab lagula socdo caafimaadkooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM