Baaritaan lagu sameeyay Wasaarada Maaliyada iyo gobolka Banaadir

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Warbixin uu saarey Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa eedaymo culus oo is-dabamarin maaliyadeed loogu jeediyay Wasaarada Maaliyadda iyo maamulka gobolka Banaadir.

Qoraalka Aqalka Hoose oo ka kooban dhowr bog waxaa si faahfaahsan loogu eegay eedaynta ka dhanka ah labadda hay’ad oo ay madaxda ka yihiin Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo Cabdiraxmaan Cumar Cismaan [Eng Yariisow].

Qormada oo uu soo diyaariyay Guddiga maaliyadda ee Sharci-dejiyaasha ayaa inta badan laga soo xigtay xafiiska Hanti-dhowrka iyo dabagal uu guddigu sameeyay, waxaana ay fareen baaris ka dhan ah labaddaasi hay’addo dowladeed.

- Wasaarada Maaliyadda –

Sida laga soo xigtay warbixinta, wasaaradu waxay ku guuldareystay inay ugu horeyntii ku dhaqanto hab-raaca maaliyadeed ee uu ansixiyay Gollahaan, taasi oo hanaanka maaliyadeed ee dalka ku shaqeynayo.

Gollaha Shacabka ayaa si lamid ah wuxuu ku dhaliilay wasaaradda inay caddeyso su’aalo badan oo ka dhashay miisaaniyadda dowladda 2018, si gaar ah meelaha ay ku baxeen lacago ay dalalka caalamka ku kabeen.

“Sidoo kale, waxaa jiray dalal aan bixinin kabkii/kaalmadii laga filayey ee lagu kabi lahaa miisaaniyadda, sida Imaaraadka iyo Sacuudiga, halka dowlada Qadar ay bixisay 10 milyan oo Dollar, iyo Turkiga oo 20 ah,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Guddiga wuxuu su’aal ka keenay meesha ay ku baxday 30 kamid ah 50 milyan oo Dollar, taasi oo ay dowladdu Sacuudiga ugu deeqday Soomaaliya, lagu shubay Bankiga dhexe, xili wasaaradu ku dhaleeceeyay inaanu bidhaamin.

Wasaaradda ayaa si lamid ah waxaa lagu eedeeyay inay baalmarinta miisaaniyaddii 2017, taasi oo dhalisay inay soo xirmayso tan 2018, oo uu Golluhu codsaday in lasoo cadeeyo, sida ku cad warbixinta.

Warbixinta ayaa intaas ku dareysa in wasiirka Bayle uu amray ganacsada iska leh shirkadaha gaarka loo leeyahay inay bixiyaan lacago aan sharci ahayn, taasi oo uu ku sheegay inay tahay qaaraan ay wasaaradiisu ku taageerayaan, gaar ahaan xarunta Warbixin maaliyadeed.

“Hadaba, arrintaan waxaa ka muuqata iska hor-imaad maslaxadeed, maadaama xarunta loo aas-aasay ama waajibaadkeedu yahay ka hortegista lacagaha fal dambiyadeed ku xusan, lacag dhaqida, maalgelinta argagaxisada,” ayaa lagu yiri warbixinta Guddiga.

Guud ahaan, lacagaha sida sharci darada ah looga soo qaaday ganacsatada shirkadaha gaarka loo leeyahay waxaa ay ku dhaceen xisaab gaar ah oo wasiirka maaliyaddu faray looga shubo bankiga dhexe ee dowladda.

“Marka laga reebo Madaxtooyadda, xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Gollaha Shacabka iyo Wasaaradda Maaliyadda, hay’addaha kale ee dowladda ma helaan lacagaha howlo socodsiinta, taasi oo gaabis shaqo ku keeni kara hay’addaha qaar sida safaaradaha,” ayaa lagu yiri warbixinta Guddiga.

Warbixinta Guddiga waxaa waxba kama jiraan laga soo qaaday faalada xukuumadda ee ahayd inuu jiro sarre ukac dhaqaale, marka laga hadlo dakhliga, waxaana uu fahfaahin ka bixiyay eedayntiisa.

“Sideedii bilood ee ugu horeysay sanadkaan waxaa soo xarootay 156-milyan oo dollar, halka laga sugayey 183-milyan oo dollar, taasi oo muujineysa hoos udhac 8-da bilood, taasi oo dhan 26-milyan oo dollar,” ayaa lagu yiri qormadda.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa lagu eedeeyay inay fuliso amar kasoo baxay Gollaha, kaasi oo ahaa in sare loo qaado mushaarka ciidanka xooga dalka islamarkaana lagu kordhiyo 50 dollar, inta ay haatan qaataan, xili la tilmamaay inaan wali sababeynin.

“Wasaaradda waxay ku guuldareystay inay Gollaha horkeeno fahfaahinta miisaaniyadda dowlad goboleedyadda iyo maamulka gobolka Banaadir kahor bisha April,” ayaa la raaciyay warbixinta Guddiga.

- Gobolka Banaadir –

Warbixinta Guddiga ayaa waxay tooshka ku ifisay ku tagri fal maaliyadeed oo uu sameeyay maamulka Eng Yariisow, waxaana la sheegay inay jiraan lacago ku baxay qaab aan kala caddeyn meesha lagu qarash-gareeyay.

Guddiga ayaa daboolka ka qaaday in intii udhaxaysay Janaayo iyo June ay akoonka maamulka Banaadir ku dhacday lacag dhan 15-milyan oo dollar-ka Mareykanka ah, xili waqti xaadirkaan la tilmaamay inay ku jirto in ka badan hal milyan.

“Tani waxay ka dhigan tahay in dakhliga maamulka gobolka Banaadir ee intii udhaxaysay June iyo Janaayo ay gaareyso 16-milyan oo Dollar-ka Mareykanka, taasi aanan la haynin caddeyn halka lagu bixiyay,” ayaa lagu yiri warbixinta Guddiga maaliyadda ee Gollaha Shacabka.

Sida laga soo xigtay warbixinta, maamulka gobolka Banaadir ayaa dowladda ka helay miisaaniyad dhan 8-milyan oo dollar, taasi oo su’aal gelinaysa meesha ay ka yimaadeen lacagaha dheeriga ah ee uu soo saarey Guddiga oo soo xiganaya xafiiska Hanti-dhowrka.

- Gabagabo –

Warbixinta ayaa lagu shaaciyay in guud ahaan hakad la gelinayo miisaaniyadihii ay qaateen hay’addaha dowladda mudadii udhaxaysay June illaa iyo Agoosto 2018, si loosoo hubiyo tuhunka iyo su’aalaha dhashay.

“Waxaa hubintaasi uxilsaaran xafiiska hantidhowrka iyo xisaabiyaha guud ee qaranka, si ay Guddiga ula soo wadagaan natiijadda,” ayaa lagu yiri qoraalka Guddiga maaliyadda ee Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddiga ayaa faray xafiiska Hanti-dhowrka Soomaaliya inay baaris dheeri ah ku sameeyaan su’aalaha soo ifbaxay, si loo xaqiijiyo, maadaama mad-madow badan ay ka jiraan miisaaniyadda dowladda ee 2018.

Ugu dambeyntii, Guddiga ayaa faray madaxda Bankiga dhexe inay ka fogaadaan dhamaan wax kasta oo keeni kara in la hareer maro hab-raaca hanaanka maaliyadda dalka, xili lagu booriyay inay ka ak-dhawaadaan waajibaadkooda gaarka ah.

WARQADAHA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM