Beesha Caalamka oo ka hadashay kulankii Farmaajo iyo madaxdii hore

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Saaxiibadda caalamka ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay wada hadaladii magaalada Muqdisho ay ku yeesheen madaxweyne Farmaajo iyo labadii hogaamiye ee ka horeeyay.

War qoraal ah oo Beesha Caalamka si wadajir ah u soo saartay ayaa waxay ku qeexeen qodobada looga doodey shirkaas mid hor-tabin u leh Soomaaliya dhabahana u xaaraya siyaasad furan.

Madaxweyneyaasha oo kulankooda uu qabsoomay 20-kii bishaan November ayaa la sheegay in ay isla meeldhigeen qodobada hoos ku xusan kadib shir qaatay muddo saacado ah.

1. In Farmaajo "ka garaabay" ficiladii lagula kacay Madaxweyneyaashii hore.
2. Waxaa la isla gartay doorashada hay’adaha dastuuriga ah oo dhan in ay xiligeedii ku dhacdo. Dhamaan dowlada federaalka, dowlad goboleedyada iyo saamilayda siyaasadeedna ka heshiiyaan modelka doorashada 2020 – 2021
3. In la dhowro dastuurka, xuquuqda iyo xorriyaadka muwaadiniinta Soomaaliyeed
4. Ciidamada siyaasadda in laga dhex saaro. Siyaasiintuna aysan amniga siyaasadeyn.
5. La dagaalanka Alshabaab in meel looga soo wada jeesto.
6. Qodobo kale oo laga wada hadlay lkn lagu balamay in marka la iskaga yimaado oo laga wada hadlo ayaa jira.


Si lamid ah waxay bogaadiyeen kulankii Farmaajo la qaatay in ka badan 50 xisbi siyaasadeed, talaabadaas oo ay ku sifeeyeen mid fiican oo lagu xoojinayo wada xaajood loo dhan yahay kahor coddeynta 2020.

Doorashadda Soomaaliya ee soo aadan ayaa lagu wadaa in ay noqoto qof iyo cod, wallow aan lagu heshiin nidaamka loo marayo.

"Waxaan ku boorineynaa saamileyda muhiimka ah ee Qaranka iyo Maamuladda in ay xaqiijiyaan wada hadalo loo dhan yahay oo horseeda doorasho lawada ogol yahay oo qof iyo cod ah," ayay sheegeen.

Guddiga ku howlan diyaarinta sharciga doorashooyinka oo uu magacaabay Golaha Shacabka ayaa u gudbiyey Aqalka Hoose nidaam doorasho oo ah Horeeyaa Guuleysta ama Nidaamka Aqlabiyadda.

Dowladaha ku saxiixnaa qoraalka ayaa waxay kala yihiin; Denmark, Ethiopia, Finland, Jarmalka, Talyaaniga, Kenya, Norway, Sweden, Turkey, Uganda, Boqortooyadda Ingiriiska iyo Mareykanka.

Ururadda lagu soo qaadey bayaanka ayaa waxay kala yihiin; Midowga Yurub, Qaramadda Midoobay, Midowga Afrika iyo IGAD.

Dhamaan dhinacyaddan ayaa waxay ka taageerayaan dalka dhaa Geeska Afrika kasoo kabashadda dagaaladda sokeeye ee 1991-dii, waxayna ku bixiyaan taakuleyn maaliyadeed, mid farsamo iyo xag maskaxeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM