Beesha Caalamka oo shuruudo hor-dhigtay doorashooyinka Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Saaxiibadda caalamka ee Soomaaliya ayaa shaaciyey in ay muhiim tahay in coddeynta dalka ka qabsoomeysa 2020/21 ay waqtigeeda dhacdo, si wanaagsanna loogu diyaar-garoobo.

War-saxaafadeed kasoo baxay Beesha Caalamka oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa loogu baaqay Dowladda Soomaaliya in ay fuliso balanqaadyadii hore.

Xukuumadda ayaa Shirkii Bahwadaagta Soomaaliya ee 2-dii October ka dhacay Muqdisho ku yaboohday in ay fulineyso dhamaan waxyaabaha muhiimka u ah doorasho qof iyo cod oo xor ah.

Qodobada ay balanqaaday ayaa waxaa kamid ah; dhameystirka sharciga doorashooyinka, sugitaanka ammaanka iyo qabyo-tirka Dastuurka.

Sidda laga soo xigtay bayaanka, daneeyeyaasha caalamka ayaa doonaya in nidaamka doorashooyinka mustaqbalka ee Soomaaliya uu noqdo mid waafaqsan arrimahaan soo socda;


In uu xormeynayo Dastuurka

In uu xaqiijinayo in doorashooyinka federaalka ay dhacaan waqtigooda 2020-21, iyaddoo aysan jirin muddo ku darsi xeer-dejinta ama laanta fulinta ah

Xaqiijinta metelaad sax ah oo dhamaan bulshadda Soomaaliyeed ah

Gaarsiinta dadka Soomaaliyeed fursad ay si toos ah ugu soo doortaan wakiiladooda iyaddoo loo marayo "qof iyo cod"

In xisbiyadda siyaasadda ay door ku yeeshaan doorashooyinka

Damaanad-qaadista qoondada haweenka ee 30 boqolkiiba

In uu fududeeyo ka qeybgalka ballaaran ee dadka gudaha ku barakacay

Taageero buuxda oo ka timaada dhamaan daneeyeyaasha

In uu xormeynayo muddo xileedka Guddiga Doorashooyinka Qaranka

In uu noqdo mid hufan oo aamin lana hirgelin karo, iyo

In doorashadda ku dhacdo qaab nabdoon si hogaamiyeyaasha la doortey sharciyad u helaan


Dhanka kale, daneeyeyaasha ayaa ku tartarsiiyey baarlamaanka federaalka ah - Golaha Shacabka iyo Aqalka Sarre - in dhamaadka sanadkan 2019 ay meelmariyaan sharciga doorashooyinka.

"Waxay kaloo ugu baaqayaan saamileyda iyo hay'addaha dowladda Soomaaliya in ay dhinac iska dhigaan kala aragti duwanaanta ayna bilaabaan wada-hadalo wax ku dhisaya," ayay raaciyeen.

Ugu dambeyntii, warka qoraalka ah ayaa lagu caddeeyay in Beesha Caalamka ay diyaar u tahay kuna garab-taagan tahay Guddiga Doorashooyinka Qaranka taageero dhinac walba ah gaar ahaan farsamo iyo mid maaliyad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM

Danjire Alper Aktaş: Amniga Soomaaliya waa nabad-gelyadda Turkiga

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay maalin kadib soo bandhigida Markabka Turkiga.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:06AM