BF oo ansixiyay xeer ogolaanaya in ajnabi madax ka noqdo Bangiga Dhexe

Image

MUQDISHO, Somalia - Xildhibaanada Gollaha Shacabka Baarlamaanka Somalia ayaa maanta oo Isniin ah waxay Muqdisho ku yeesheen Fadhigii 33aad ee ka tirsan Kal-fadhiga 4aad, kaasi oo ay soo xaadirtay 170 mudane.

Afhayeenka Aqalka Hoose, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, ayaa shir gudoominayay kulanka, kaasi oo ay ku wehliyeen labadiisa ku xigeen, Cabdiwali Ibraahin Muudey iyo Mahad Cabdalla Cawad.

Ajendaha kulanka oo ahaa labo qodob, kuwaasi oo kala ahaa ucodeynta wax ka bedalka sharciga Hantidhowrka qaranka iyo Xeerka xulidda Guddiga Agaasinka Bankiga dhexe ee dalka ayay mudanayaasha cod uqaadeen.

Xeerka Hanto-Dhowrka Guud

Ugu horeyn, Xildhibaanada waxay meel-mariyeen Hindisaha Hantidhowrka guud ee Qaranka. 163 xildhibaan ayaa ogolaaday, iyadda oo ay horjeesatay 13 xildhibaan, inkasta oo aysan jirin cid ka gaabsatay.

Intaas kadib, mudanayaasha waxa dood kulul ay ka yeesheen Xeerka soo xulitaanka Guddiga Agaasinka ee Bankiga Dhexe ee dalka, kaasi oo ay si wayn ugu kala aragti duwanaadaan.

"Qaran dumis iyo Qiyaano Qaran," waxay ahaayeen eryadda ugu badan oo ay Xildhibaanadu isku jeedinayeen. Xubnaha taageersan Xeerkaan ayaa ubadnaa kuwa ka tirsan Gollaha Wasiiradda.

Wax ka bedelka Xeerka Bangiga Dhexe

Dood dheer kadib, Gudoonka wuxuu faray in cod loo qaado, taasi oo ugu dambeyntii natiijada kasoo baxday ay noqotay mid lagu ansixiyay Xeerka oo helay 158 cod, xili ay ka hor-yimaadeen 17, ma jirin cid ka aamustay.

Tani ayaa ka dhigan inay dowladdu haatanu haysato sharciyad in Gudoomiyaha Bankiga dhexe ee dalka uu noqdo shaqsi ajnabi ah, maadaama Hindisahii hore uu ku jiray qodob mamnuucaya arrinkani.

Xildhibaan Zakariye, oo kamid ahaa xubnaha diiday ayaa intii ay dooda socotay erayada laga soo xigtay waxaa kamid ahaa: "Hal ajnabi dartii ayaa loogu kacayaa qiyaano qaran..waana ku tumasho cad oo dastuurka ah".

Sharcidejiye Daahir Amiin Jeesow, oo ku jira Xildhibaanada taageersan ayaa isna waxaa uu yiri: "Waa la bedalayaa Xeerka...waxaa loo dhiibayaa [jagada gudoomiyaha Bankiga Dhexe. Gaalka midka ugu madow.

Sikastaba, Madaxwaynaha Farmaajo ayaa haystay wax ka badan 24-saacadood si uu qalinka ugu jiido Xeerkaan, islamarkaana uu kusoo saaro faafaahinta rasmiga ah ee JFS, si uu unoqdo mid dhaqan-gal ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM