Xamza oo la kulmay wakiilka Ururka Jaamacadda Carabta kadib eedeyntii Itoobiya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Hamza Cabdi Barre ayaa shalay shir la yeeshay wakiilka Ururka Jaamacadda Carabta, Cabdullaahi Al-Qutaybi, iyadoo looga hadlay xoojinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, iyo ammaanka.

Kulanka ayaa muujiyey sida Soomaaliya uga go’an tahay inay xoojiso xiriirka ay la leedahay ururada gobolka, iyadoo Ra’iisul Wasaaraha uu bogaadiyey horumarka siyaasadeed, dhaqaalaha, iyo xasiloonida amniga ee dalka.

Wakiilka Ururka JaamacaddaCarabta ayaa sheegay in dhawaan ay Soomaaliya iman doonto wafdi heer sare ah oo ka socda Ururka Carabta si ay uga qayb qaataan mashaariic horumarineed iyo xoojinta iskaashiga.

Kulankani waxa uu ku soo aadayaa xilli ay jireen xiisado diblomaasiyadeed oo ka taagan gobolka Geeska Afrika, kadib markii Masar billowday dhaq-dhaqaaq militeri iyo inay Ciidan usoo dirtay dalka Soomaaliya.

Inkasta oo xiisadahan jireen, Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa bishii Janaayo 2025 heshiis ku kala saxiixday in dib loo soo celiyo xiriirka diblomaasiyadeed, kaasoo dhex-dhexaadin ka sameysay Turkiga.

Dhanka kale, Itoobiya ayaa cambaareysay ciidamada Masar ee dhawaan la keenayo Soomaaliya, iyada oo ku tilmaantay arrintaas mid khatar ku ah xasiloonida gobolka iyo ammaanka dalka Itoobiya.

Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya, Suleyman Dedefo, ayaa sheegay in Addis Ababa aysan ku faraxsaneeyn joogitaanka ciidamada Masar, isagoo intaa ku daray in aysan ahayn khatar toos ah balse ay diyaar u yihiin inay la socdaan tallaabooyinka ciidamadaas.

Ciidamada Masar ayaa ku imaanaya Soomaaliya heshiis milateri oo la saxiixay bishii August 2024, kaasoo u ogolaanaya ilaa 10,000 oo askari oo Masriyiin ah inay ku sugan yihiin Soomaaliya, iyadoo qaar ka mid ah ciidamadan ay hoos yimaadaan hawlgalka Midowga Afrika, halka qaar kalena ay si toos ah uga amar qaataan dowladda Masar.

Itoobiya ayaa arrintan ku aragta istiraatiijiyad ballaaran oo ay Masar uga hortagto saameynta Itoobiya ee gobolka, iyadoo xiisadaha u dhexeeya labada dal ay sii kordheen tan iyo markii Itoobiya bilowday dhismaha Mashruuca Biyaha ee Renaissance Dam (GERD) ee wabiga Blue Nile, taasoo Masar ka cabsi qabto inay hoos u dhigto biyaha ay hesho.

Dowladda Soomaaliya ayaa difaacday heshiiska ciidamada Masar, iyagoo sheegay in uu yahay mid loogu talagalay dib u dhiska ciidanka Soomaaliya iyo xoojinta ammaanka gobolka, isla markaana uu ansixiyey Midowga Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nidaamka cusub E‑Visa ee Soomaaliya oo abuuray jahwareer iyo khilaaf cusub

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku doodaysa in nidaamka cusub uu yareyn doono hawsha maamulidda socdaalka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 06:48AM

Madaxweynaha Soomaaliya oo xariga ka jaray xarun sirdoon

In ka badan 50 dagaalyahan ayaa si xun u dhaawacmay, wasaaraddu waxay sheegtay.

  • Soomaliya

    14-09-2025

  • 08:40PM