Booliska Soomaaliya oo qabtay nin Muqdisho ku dilay mas'uul dowladeed

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska Booliska Soomaaliya ayaa waxa uu maanta oo Axad ka warbixiyey howlgal ay laamaha amaanka saacaadihii lasoo dhaafay ka sameeyeen magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Sakiyo Xuseen, taliye ku xigeenka bileyska, ayaa u sheegtay warbaahinta in wadar guud ee dadka lasoo xiray ay gaarayaan 82 ruux.

Howlgaladda lagu soo qab-qabtay shaqsiyaadkaan ayaa laga sameeyay gudaha, bartamaha iyo hareeraha magaala madaxda Soomaaliya.

Sidda laga soo xigtay Sakiya, afar kamida xubnahaasi ayay ciidanka 26-kii bishaan ay gacanta kusoo dhigeen kadib howlgal laga sameeyay degmada Hiliwaa.

Afhayeenka ciidanka Booliska ayaa daaha ka rogtay in dadka lasoo xiray uu ku jiro nin ka tirsan kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida kaasi oo khaarijiyay gudoomiye waaxeed ka tirsanaa gobolka Banaadir.

"Dhagar-qabaha oo xogtiisa ay hayeen hay’addaha amaanka waxaa laga soo qabtay degmada Xamarwayne, shacabkaana nagu soo war-geliyey," ayay tiri Sakiya xili ay la hadleysay wariyeyaasha Muqdisho.

Sidda ku cad bayaanka ay saxaafada u marisay taliye Sakiya, isla degmada Xamarwayne waxaa laga soo xiray sideed qof.

Saqdii Dhexe ee Sabtidii, 60 ruux oo la tuhunsan yahay in ay Al-Shabaab ka tirsan yihiin ayaa laga soo qabtay degaanka Weydow ee duleedka Muqdisho, sidda ay ka dhawaajisey taliye ku xigeenka Booliska.

Taliye Sakiya ayaa intaasi ku dartay in hay'addaha nabad-gelyadda ay degmada Dayniile kasoo xireen afar qof oo burcad ah kadib taageero ka timid shacabka.

Isla habeenimadii Sabtida, laamaha amaanka ayaa xaafada Jamhuuriya degmada Kaaraan kasoo xirey afar ruux oo ay ku jirto haweenay, kuwaasi oo laga soo qabtay guri laga soo helay qori iyo maandooriye gaar ahaan Xashiishka.

Wadar ahaan 73 kamid ah dadkaan lasoo xiray ayaa loo haystaa Shabaabnimo, halka inta kale ee kasoo hartay ay wajahayaan dambiyo isugu jira dhac iyo ka ganacsiga maandooriye.

"Baaris ayaa ku socoto dhamaantooda marka lasoo gabagabeeyo waa la idinla soo wadaagayaa," ayay hadalkeeda ku dartay taliye Sakiya, oo ugu dambeyntii shacabka uga mahad-celisay taageero ay sheegtay inay Boolisku siiyeen.

Howlgaladaan ay sameeyeen ciidanka ayaa kusoo daba socday xaalad degdeg ah oo Muqdisho lagu soo rogay kadib markii ay kordheen dilalka iyo qaraxyadda, taasi oo xukuumada dhaxal-siisay mowjado dhaliilo ah.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo shaaciyay xilliga uu shidaal qadista ka bilaabayo Soomaaliya

Bishii March, Muqdisho iyo Ankara ayaa kala saxiixday heshiis la xariira dhinaca Shidaalka iyo kheyraadka dabiiciga ah ee dhinaca Gaaska.

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 05:03AM

Dowladda Soomaaliya oo diidey soojeedin ka timid wadamadda G7

Dalabkan ayaa ahaa in uu wadaxaajood dhexmaro Muqdisho iyo Addis Ababa si loo qaboojiyo xiisadda taagan.

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 04:40AM