Cabdi Xaashi oo ka hor-yimid xeerar horyaala Golaha Shacabka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Afhayeenka Aqalka Sarre oo sheegay in been abuur lagu sameeyay xeerka doorashooyinka ee ay soo diyaariyeen guddiga isku dhafka ayaa "sharci darro" ku tilmaamay sharciyadda horyaala Golaha Shacabka.

Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo maanta war-saxaafadeed soo saarey ayaa caddeeyay in shuruucda haatan hortaala Aqalka Hoose ay yihiin kuwa lasoo bedelay isla markaana wuxuu ka digay halis weyn oo ka imaan karta hadii lasii waddo.

Gudoomiyaha oo xusay in xeerka la horgeeyay Golaha Shacabka uu baalmarsan yahay go'aankii maamul ee lagu magacaabay guddiga 28-kii Febraayo, 2020 ayaa tibaaxay in uu xadgudub ku yahay hanaanka xeer-dejinta waddankeena.

Talaabadaas lagu bedelay xeerka ay soo diyaariyeen Guddiga wadajirka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ayuu cod dheer hoosta kaga xariiqay qoraalka in uu kalsooni darro ku abuuray hay'addaha kala duwan ee dowladda.

Guddiga doorashooyinka madaxa-banaan ee doorashooyinka Qaranka ayuu si cad u faray in aysan u isticmaali karin doorashada go'aan kasta oo kasoo baxa Golaha Shacabka oo ku saabsan afarta xeer doorasho ee "lagu been abuurtay".

Xilli uu rajeeyay in ay u hogaan-sami doonan, guddiga ayuu xusuusiyey in ay ka war-sugaan "inta laga saxayo qoraalada afarta ah ee loo qaybiyey Golaha Shacabka, loona marayo habraaca dejinta dastuurka ku meelgaarka ah ee dal".

Sidda laga soo xigtay Cabdi Xaashi, arrintaan oo u baahan "in laga feejignaado" ayaa sababi karta xaalad kale oo horleh oo saameyn ku yeelan karta doorashooyinka 2020-21 iyo guud ahaan jihadda siyaasadeed ee dalka ku socdo haatan.

Xeerarka uu Cabdi Xaashi ka dhawaajiyey in la bedelay oo muhiim u ah Sharciga doorashooyinka oo ay diideen qaar kamid ah maamulada ayaa quseeya; metelaada gobolka Banaadir, gobolada waqooyi, qoondada haweenka iyo Asteynta kuraasta.

Hoos ka akhriso qoraalka Cabdi Xaashi

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo ka digay firaaq dastuuri ah haddii aan heshiis laga gaarin doorashooyinka Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale sheegay in tallaabooyinka xiga ee Puntland ay ku xirnaan doonaan dareenka shacabka.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 05:09AM

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM