Cabdirashiid Janan oo "loo diiday" in uu la kulmo qareenkiisa

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ku dhowaad laba bilood oo Cabdirashiid Xasan Nuur [Janan] uu Muqdisho ugu xiran yahay dowladda waxaa loo diiday in uu la kulmay qareenkiisa iyo ehelkiisa, sidda ay sheegeen Odayaal.

Nabadoonadda oo ku baxay sidii ay kiiskan ugula soo hadli lahaayeen madaxda sarre ee dalka ayaa tan iyo qabashada Janan ku sugnaa Muqdisho. Axada maanta ah ayay ka dageen magaaladda Doollow ee gobolka Gedo.

Mudadii ay ku sugnaayeen caasimadda Soomaaliya waxay ku guuldareysteen in ay haleelaan hogaanka Villa Soomaaliya ama "cidda muddan" in ay kala hadlaan balse "ma aysan suurtogelin, waana u marnay cid kasta".

Janan oo 1-dii bishii September laga qabtay madaarka Aadan Cadde isaga oo kusii jeeday Addis Ababa, caasimadda Itoobiya, ayaa 6-dii bishan October waxaa lasoo taagay Maxkamad ku taala magaala madaxda dalka.

Xeer-ilaalinta federaalka ayaa, sidda ay warbaahinta shaacisay, kusoo oogtay dacwad ku saabsan "dilal loo geystay rayid oo ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Gedo".

Buule Aadan oo kamid ah saraakiisha Ciidamadda Xoogga Soomaaliyeed ee gobolka Gedo ayaa Janan ku wehliya maxkamadeynta oo fadhigeeda labaad aan la muddeynin.

"Nimanka xiran [wasiirka iyo sarkaalka] Maxkamadda Sarre ma ogga, xeer-ilaalinta ma ogga," ayuu yiri mid kamid ah. "Xeer-ilaalinta rag kamid ah waxay nagu dhaheen 'kiiskii loo keenay waan diidnay' marka horaa loo tuurayaa".

Xarigga Janan ayaa kusoo aaday iyadda oo khilaaf uu u dhaxeeyo Villa Somaaliya iyo Jubbaland, kaas oo ka dhashay doorashadda oo maamulku ku adkeystay in uu Dastuurka u ogolaanayo in uu si madax banaan u maamusho.

"Qaraabada waa loo diidey in ay ku booqdaan halka lagu hayo, qareenka waa loo diidey, caafimaadka waa loo diidey, wax walba waa loo diidey," ayuu yiri Nabadoon kale oo dowladda ku tartarsiisay in ay isbedel la timaado.

Cabdirashiid Janan oo kamid ah mas'uuliyiinta aadka ugu dhow madaxweyne Axmed Madoobe ayaa soo qabtay xilal uu ku jiro gudoomiyaha gobolka Gedo, wuxuuna laf-dhabar u ahaa gulufka ka dhanka ah argagixisada.

- Baaqyo -

Madaxtooyadda Jubbaland oo qabashadda Janan ku sifeysay "afduub baalmarsan Dastuurka iyo arrin siyaasadeysan" ayaa cod dheer waxay kusoo jeedisay in xorriyadiisa loogu soo celiyo "sidda ugu dhaqsiyaha badan".

Isaga oo ka hadlayey caleema saarka Axmed Maxamed Islaam, madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay in Janan "uu mudnaa in lagu abaalmariyo ciribtirka argagixisada, uusan muddeyn xarig".

Qabashadda Janan ayaa timid maalmo kadib markii dowladda xayiraad dhanka socdaalkaay saartay Kismaayo kuna amartay diyaaradaha tagaya kana soo baxaya in ay soo maraan Muqdisho si hubin loogu sameeyo.

Xisbiyadda siyaasadeed cambaareeyay xariga ayaa ku tartarsiiyey xukuumadda in ay dhowrto xuquuqda uu Dastuurka muwaadinka u siinayo in uu isaga kala goosho gobolada kala duwan ee waddanka.

MUUQAALKA ODAYAASHA

GAROWE ONLINE

Related Articles

War-murtiyeed laga soo saarey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Shirka 9-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kusoo dhamaadey magaaladda Muqdisho.

  • Soomaliya

    17-05-2024

  • 04:03PM

Soomaaliya iyo Ciraaq oo is-dhaafsanaya khibradaha dhanka amniga

Xamsa ayaa dalka Baxreyn kula kulmay Madaxweynaha Dalka Ciraaq, Abdul Latif Rashid.

  • Soomaliya

    16-05-2024

  • 03:28AM