Somalia: ​Cabdiraxmaan Baadiyow oo difaacay dowladda MD Farmaajo

Image

NAIROBI, Kenya - Gudoomiye ku-xigeenka Xisbiga Madasha Wadaniga, Cabdiraxmaan Maclin Cabdullaahi [Baadiyow], ayaa difaacay dowladda cusub, ee uu hogaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Isagoo Wareysi siinayay Somali Channel TV, ayaa Dr Baadiyow sheegay in dowladda cusub aysan gaarin waqtigii la mucaaradi lahaa, maadaama aysan wali gaarin mudo hal sano ah, oo lagula xisaabtami karo waxqabadkeeda.

"Lama gaarin waqtigii la qiimeyn lahaa dowladda Madaxweyne Farmaajo, dad badan oo igu bartey mucaaradnimada, ayaa ila soo xiriiray si aan u mucaarado, balse waxaan ku iri dowladda waa bilow," ayuu yiri Baadiyow.

Wuxuu sheegay in dowladda ay joogta xilligii la toosin lahaa, islamarkaana lagu hagi lahaa jidka toosan, ee ku jirta danta dalka iyo dadka, oo Somalia kusoo ceshan karto sharafteeda iyo qaranimadeedii.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: Sanadka dhamaadkiisa ayaa lala xisaabtamayaa dowladda Madaxweyne Farmaajo, wixii intaasi ka horeeyana waa in la saxaa qaladaadkeeda, oo aan la mucaaradin."

"Mucaaradnimada ma ahan hebel ayaan necbahay ama jeclahay ama Kursi ayaan waayay, ee Mucaaradnimada waa Mabda', maxaa dalkeena ka qaldan, maxaase u saxan, wixii qaldan ayaa la mucaaradaa, wixii saxana waa la taageeraa, marka hala sugo dowladda ilaa sanad ay ka gaarayso," ayuu yiri Baadiyow.

"Waqtigii la toosin lahaa ayaa la joogaa, ee lama joogo waqtigii la mucaaradi lahaa, markii ay toosinta diido, oo uu qaladaadkeeduna bato, markaasi ayaa la mucaaradi karaa, waxa la mucaaradiyo ma ahan qof ee waa qadiyad dadka ka dhaxaysa," ayuu raaciyay hadalkiisa.

Dhanka kale, Dr Baadiyow ayaa tilmaamay in Xisbigiisa uu aad ugu farxay in la bedelay Maamulkii uu Madaxweynaha ka ahaa Xasan Sheekh, iyo Doorashadii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Baadiyow ayaa ku eedeeyay dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Musuq-maasuq iyo cod-iibsasho xilligii Doorashada, iyadoo isticmaashay Hantida Qaranka uu leeyahay, sidaasi darteedna ay ka tanaasuleen inuu ka qeybgalo Xisbigooda.

Dhanka kale, waxuu aad u dhaleeceeyay Mowqifkii Madaxweynaha Puntland Cabdiweli "Gaasi" uu xiriirka ugu jaray Dowladda Qadar, iyadoo dowladdii dhexe ay qaadatey go'aan dhex-dhexaadnimo, maadaama ay dalalkaasi yihiin wadamo Muslim ah, oo Diiniyan banaan tahay in la dhex-dhexaadiyo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:13AM

Qaramada Midoobay oo xaqiijisay war dhowaan uu baahiyay Garowe Online

Waxuu isbedelkan imaanayaa xili khilaaf siyaasadeed uu ka jiro Soomaaliya, oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka.

  • Soomaliya

    22-04-2024

  • 05:25PM