Cali Balcad oo loo magacaabayo Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda - XOG

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xogo hoose ayaa sheegaya in Xamse Cabdi Barre xilka ka qaadi doono Cali Balcad, oo ah Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda kadib isku-shaandheyntii uu ku baxay Axmed Maclin Fiqi, oo hadda Wasaaradda difaaca la geeyay.

Xildhibaan Cali Balcad oo saameyn wayn ku lahaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda, islamarkaana hormuud ka noqday wadahadalladii dowladda Soomaaliya la gashay Itoobiya ee lagu xaliyay khilaafkii Badda ayaa loo magacaabi doonaa Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda, isagoo lagu bedelayo Abshir Bukhaari.

Cali Balcad wuxuu ahaa wakiilka gaarka Madaxweyne Xasan Sheekh arrimaha wadahadalka Itoobiya iyo hirgelinta heshiiskii Ankara ka dhacay December 2024, oo Erdogan dhex-dhexaadiyay, kaasoo labada dal ku xaliyeen xiisadda badda.

Xamse Cabdi Barre ayaa la sheegay inuu magacaabi doono wasiir ku-xigeenno iyo wasiiru dowliyaal, si uu isagu dheela-tiro nidaamka awood-qeybsiga beelaha, maadaama Isku-shaandheyn sameeyay, oo wasaraado saameeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo Ku Dhintay Duqeyn Ka Dhacday Yemen

Ibrahim wuxuu intaas ku daray in dad Soomaali ah oo halkaasi ku xidhnaa la wareejiyay maalmo kahor duqeynta.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 12:17PM

Xiisad Ka Taagan Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Dood adag ayaa laga dareemay fadhiyadii ugu dambeeyay ee golaha oo baaqday dhowr jeer, iyadoo mararka qaar xildhibaanno isweydaarsadeen eedeymo.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 11:10AM