Sheekh Aadan Madoobe oo lagu qasbay inuu Xildhibaan Abiib Kursigiisa u celiyo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa isku dayaya inuu iska badbaadiyo mowjad cusub oo Mooshin ah, oo isaga laga keenay, kadib markii uu xasaanada ka qaadey Xildhibaan Abiib, oo mucaaradka katirsan.

Qoraalka Sheekh Aadan Madoobe ayaa lagu sheegay in kursiga tirsigiisu HOP#201 dib ugu celiyay guddiga xeerhoosaadka, Daryeelka, Anshaxa iyo xasaanadda ee Gollaha Shacabka si uu uga soo talo bixiyo dibna uu golaha ugu soo celiyo.

Waxay tani ka badbaadin kartaa inuu lumiyo Kursigiisa Gudoomiyaha Gollaha Shacabka, maadaama in ka badan 100 Xildhibaan ay ka keeneen Mooshin kalsooni-kala-noqosho ah, oo sababay in kulamada Gollaha ay furmi waayaan mudo labo todobaad ah.

Qorshaha xasaanad ka qaadista Abiib ayaa la sheegay inuu ka yimid Villa Somalia, kadib markii Xildhibaanka uu warqado u diray deeqbixiyaasha iyo dowlado reer galbeedka, isagoo u sheegay inuu musuq-maasuq ka jiro mashaariicda ay siiyeen Soomaaliya.

Wasaarado ayaa lagu soo waramayaa in warqadaha Abiib ay ku waayeen lacag badan iyo Mashaariic, taasoo ka caraysiisay Madaxda sare, kadibna u dhiibay Aadan Madoobe Madoobe qorshaha kursiga looga qaadayo Xildhibaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM