Cali Khaliif Galeyr oo la shaaciyey in uu u dhintay safmarka Covid-19

Image

JIGJIGA, Soomaali Galbeed - Xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida ee ka tirsan dowladda federaalka Itoobiya ayaa shaacisay in Cali Khaliif Galeyr uu u geeriyooday safmarka Coronavirus.

Mukhtaar Yuusuf, wasiir ku xigeenka caafimaadka gobolka oo war-fidiyeenka u waramay, ayaa laga soo xigtay in uu xaqiijiyey in Borofeesarka uu ku biiray liiska shaqsiyaadka uu galaaftay cudurka.

Ra'iisul wasaarihii 8aad ee Soomaaliya ayaa maanta ku geeriyooday magaala madaxda ismaamulka ee Jigjiga kadib markii xanuun kusoo boodey isbitaal loo dhigay Jimcadii todobaadkii lasoo dhaafay.

Sidda laga soo xigtay Mukhtaar, shaacinta ah in marxuum Galeyr uu u dhintay fayruska ayaa ku saleysan "baaritaan deg-deg balse saacaado badan qaatay oo lagu sameeyay meydkiisa".

Cadaani Hirmooge, afhayeenka jabhadda ONLF oo u waramay VOA-da, ayaa wariyey in Galeyr uu ka cabanaayey cunto uu qaatay Jimcadii isla markaana uu shubmay, matagay, qandho badan ay haysay.

"Odayga [Cali Khaliif Galayr] cunto ayuu qoonsaday baa la yiri; wuu shubmay, wuu matagay, wuu qandhaday. Jimcadii bay bilaabatay howshaasi. 40 daqiiqo kahor inta uusan dhiman baan ka tagay markii aan soo laabteyna waxaa lii sheegay in qofka ambalaasta lagu sii wado in uu isaga yahay," ayuu yiri.

Dowladda federaalka Soomaaliya oo magacowday guddi ka kooban 13 xubnood ayaa ka dhawaajisay in ay u sameyneyso Aas Qaran isla markaana lagu guudi doono magaala madaxda dalka Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Janan oo ku eedeysan dembiyo culus oo DF u xil-saartey fulinta qorshaheeda Gedo

Gedo ayaa ah barta khilaafka, waxaana dowladda federaalku u aragtaa meel istaraatiiji ah oo lagama maarmaan u ah hirgelinta ajandaha siyaasadeed ee Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 08:06PM

Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:53AM