Ciidamadii ugu badnaa oo Mushaar la'aan uga soo baxay aagagii difaaca

Image
Image

JOWHAR, Soomaaliya - Ciidamo katirsan Militeriga dowladda Federaalka ayaa maanta soo faarujiyay aaggagii difaaca ee degaano katirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wararka laga helayo gobolka ayaa sheegaya in meelaha ay ciidamada ay kasoo baxeen ay kamid yihiin Garoonka diyaaradaha magaaladda Jowhar, Mahadaay, Raagga-Ceelle, Ceel-Baraf, Qalimow iyo Garsaale.

Dib u gurashada ciidamada iyo gadoodka ay ka sameeyeen mushaar la'aanta mudada billooyinka ah ayaa khatar gelinaysa amniga dalka, iyadoo ay u sahlayso Al-Shabaab inay dib u qabsato goobaha la faarujiyay.

Madaxda maamulka HirShabeelle ayaa la sheegay in qaarkood ay isaga soo carareen Jowhar iyagoo ka cabsi qaba in Al-Shabaab soo weerarto, maadaama ciidamada ay ka baxayaan difaacyada.

Si dhib leh ayaa Al-Shabaab looga saarey degaanada ay hadda dowladda maamusho ee Koonfurta Soomaaliya, waxaana xuquuq la'aanta ciidamada difaaca ay dhabar jab ku noqonayso guulihii sida adag lagu gaarey.

Ciidamada Kenya ayaa shalay ka baxay Busaar, oo noqonaysa magaaladii labaad ee ay baneeyaan gobolka Gedo, iyadoo durbadiiba Al-Shabaab la wareegtay.

Dalalka ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya ayaa billaabey dhawaan in Askartooda la baxaan, maadama howlgalka AMISOM ay soo wajaheen caqabado badan oo ay kamid tahay dhaqaalaha ay ku howlgalaan oo Midowga Yurub iyo UN-ka meelo kale u weeciyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

CC Shakuur: Qofkii Talada dalka la ordo waa laga dhigayaa, hana xigo ama yuusan na xigin

"Qof kasta oo la ordo talada dalka waa laga dhigayaa, ha ahaado mid na xiga ama mid aan na xigin," ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur Warsame.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:43AM

QM oo ku baaqday in Soomaaliya dib u eegto sharciyada la-dagaalanka argagixisada, xilli xasaasi ah

Wuxuu xusay in dambiyo aan dil la xiriirin ay haddana keeni karaan xukun dil ah, taasoo aan la jaanqaadayn shuruucda caalamiga ah.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:09AM