Coronavirus: Kiiska labaad ee DF shaacisay oo shaki laga muujiyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya ayaa duray kiiska labaad ee Coronavirus ee Wasaaradda Caafimaadka ku dhawaaqdey.

Mudanaha ayaa sheegay in uu xiriir telefoonka ah uu la sameeyay ruuxa laga sheegay cudurka oo kamid ah saraakiisha lagu soo tababaray Talyaaniga ee ka tirsan Ciidamadda Milatariga Soomaaliya.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa shaqsiga ah ee xiriirka bulshadda gaar ahaan Facebook ayuu shaki kaga muujiyey shaacinta Wasaaradda.

Hoos ka akhriso qoraalka

Waxaan mardhow wada hadalnay wiilka la yiri waxaad qabtaa caabuqa Coronavirus wuxuu ii sheegay in uusan arag wax calaamad ah oo muujinaya in uu qabo xanuunkaan.

Wiilkaan ayaa ka mid ah dhalinyaradii saraakiisha ciidamada Soomaaliya ee tababarka u aaday dalka Talyaaniga oo dhowaan dib ugu soo laabtay magaalada Mogadishu, mudo 9 beri ah ayuuna meel ku karantiilnaa isaga iyo dhalinyaradii la socday.

Haddaba, su’aashu waxay tahay qof 9 maalmood meel ku karantiilnaa, ilaa hadana wax calaamad ah oo muujinaya in uu qabo xanuunkaas aysan jirin sidee loo dhihi karaa waad xanuunsan tahay.

Sidoo kale, sidda Wasaarada Caafimaadka noo sheegtay qalab lagu baaro cudurkaan ma yaalo Soomaaliya, marka sidee ku ogaadeen?

Waxaa ii muuqda cudurkaan in uu noqday mashruuc lagu qaraabanayo oo la rabo aduunka in lacag looga cuno, mana ahan wax la aqbali karo in dadka Soomaaliyeed la argagax geliyo si dhaqaale looga sameeyo.

Sidaas daraadeed waxaan ku talinayaa saraakiisha Wasaarada Caafimaadka ee arintaan sheegay in aan looga harin sheegashadooda ee baaritaan dheeri ah la sameeyo!

Hon. Mahad Salad


Wasaaradda Caafimaadka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa daboolka ka qaadey in baaritaanka labadii kiis ee horey ay u shaacisay lagu soo sameeyay dalka dibadiisa maadaama qalabka uusan dalka oolin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM