Dabley damacsaneyd in ay dil ka fuliso Muqdisho oo nolosha lagu qabtay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Laamaha ammaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah waxay shaaca ka dhigeen in ay nolosha ku qabteen dabley damacsaneyd in ay disho askar ka tirsan dowlada federaalka ah.

Sidda ay warsidaha Garowe Online u sheegeen goobjoogeyaal kala duwan, is-rasaaseyn ayaa dhexmartay ciidanka iyo kooxaha hubeysan oo tiradooda lagu sheegay saddex ayna wateen gaari.

Tacshiiradda oo midkood lagu dhaawacay ayaa barqadii ka dhacday isgoyska Howlwadaag, sidda ku xusan warbixinta ay bixiyeen dadka goobjooga ahaa.

"Hay'adda Ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isgosyaka Howlwadaag ku fashiliyey dhagar ay damacsanaayeen kooxaha qas-wadayaasha. Tirada guud ee dableydu waxay ahayd saddex, midkood waxaa uu ku dhaawacmay iska hor-imaad ay la galeen ciidamadda," ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay bileyska.

Eedeysanaha dhaawaca ah ayaa la sheegay in xaaladiisa caafimaad ay la tacaalayaan dhakhaatiirta ciidamadda booliska Soomaaliyeed.

Ma cadda kooxda ay ka tirsan yihiin ragga la qabtay. Balse, caasimadda waxaa dhacdooyin liddi ku ah xasiloonida ka fuliya xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab iyo Daacish.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii suuqa Bakaaraha lagu toogtay dabley la sheegay in ay isku dayeen dil ay u geystaan askari. Maleeyshiyaadka Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay ka tirsanaa shaqsiyaadkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:13AM

Qaramada Midoobay oo xaqiijisay war dhowaan uu baahiyay Garowe Online

Waxuu isbedelkan imaanayaa xili khilaaf siyaasadeed uu ka jiro Soomaaliya, oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka.

  • Soomaliya

    22-04-2024

  • 05:25PM