MUQDISHU, Somalia - Qarax culus ayaa ka dhacay goordhaw magaalada Muqdishu, kaasi oo geestay khasaarooyin kala duwan.
Goobjooge ayaa GO u xaqiijiyay qaraxa, oo uu sheegay inuu ahaa miino, taasi oo haleeshay Gaari BL ah, oo ay la soceen dad shacab ah, xilli uu marayay Isgoyska Ex-control Balcad, oo katirsan degmada Heliwaa.
Wararka hordhaca ee Khasaaraha ayaa sheegaya in ugu yaraan labo ruux oo rakaabka kamid ahaa ay ku dhaawacmeen qaraxa, kuwaasi oo loola cararay Isbitaal ku yaalla Muqdishu, halkaasi oo xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo.
Saraakiisha Booliska degmada ayaa sheegay inay wadaan baaritaan ku aadan qaraxa, oo ahaa mid culus oo lala damacsanaa ciidamado fariisin ku leh goobta, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha soo gaarey.
Wali ma jirto cid sheegatay mas'uuliyada qaraxa, balse Al shabaab ayaa inta badan weeraro noocan ah oo loo adeegsado Miinooyinka dhulka lagu aaso, ka fulisa wadooyinka ka baxa Muqdishu, ee aada dhanka gobollada Shabeellooyinka, kuwaasi oo la eegto ciidamada DFS iyo AMISOM.
Fahfaahinta Qaraxa, kala soco wararkeena dambe haddii Alle idmo.
GAROWEONLINE