MUQDISHU, Somalia - Qarax xooggan, oo loo adeegsaday Gaari ayaa ka dhacay magaalada Muqdishu, ee caasumadda Somalia, saacado kadib markii uu Ra'iisul wasaare Kheyre uu magacaabay Golahiisa Wasiirrada.

Goobjooge ayaa Garowe Online uu sheegay in Qaraxa uu ka dhacay Bar-koonatarool oo ku taallo Afaafka Tiyaatarka qaranka, kuna dhaw Iridda labaad ee laga galo xarunta Madaxtooyada Somalia.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxayo qaraxa, oo Saraakiisha Booliska ay sheegeen inuu ka dhashay Gaari lagu soo xiray walxaha qarxa, oo ciidamada Nabad Sugida Somalia kasoo eryanayeen dhanka Makka Al Mukarama.

Khasaaraha ayaa lasheegayaa inuu marayo 10 ruux, halka dhawaca uu gaarayo ilaa 10 kale.

Fah-Faahinta warka, filo Goor-dhow

GAROWEONLINE