DF Soomaaliya oo cambaareysay weerar lagu qaaday Sacuudiga

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka ah ayaa si kulul u cambaareysay weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn [drones] oo Talaadadii lagu qaaday goobaha saliida laga saaro ee Sacuudiga.

Falaagada Xuutiyiinta ee Yaman oo sheegatay duulaankaasi ayaa tilmaamtay in ay ku beegsatay laba goobood oo ku yaalla degmada Al Duwadimi oo hoos-timaada magaaladda caasimada ah ee Riyadh.

War-saxaafadeed kasoo baxay xukuumada Muqdisho ayaa lagu shaaciyey in falkaasi ay u aqoonsan tahay "ficil halis ku ah nabadda gobolka bariga dhexe iyo walaalaha Boqortooyada Sacuudiga".

"Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya waxay mar kale xaqiijineysaa in ay garab taagan nahay hogaanka, dowlada iyo shacabka Sacuudiga," ayaa lagu yiri bayaanka oo kasoo baxay wasaarada arrimaha dibada.

Khaliid Al Falih, wasiirka Tamarta Sacuudiga ayaa duulaankaasi ku sifeeyay "fal argagixiso oo halis ku ah qeybinta saliida caalamka" isaga oo wacad ku maray in dowladiisu jawaab ka bixin doonto.

Weerarka ayaa yimid maalin kadib markii Sacuudiga uu shaaciyey in laba kamida maraakiibta saliidda uqaada ay "waxyeello xooggan" kasoo gaartay guluf arbushaad ah oo Axaddii loogu gaystay xeebaha Imaaraadka.

Dowlada Soomaaliya gaar ahaan xukuumada haatan jirta ayaa xiriir wanaagsan uu kala dhaxeeya Boqortooyada Sacuudiga, inkasta oo maamulka Farmaajo lagu eedeeyay in khilaafka Khaliijka uu la saftay Qadar.

WAR-SAXAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo joojiyay raashiinka uu siin jiray ciidamada Danab

Go'aankan ayaa waxa uu ka dhashay markii madax sarre ay leexsadeen garaamkii loogu talagalay kumaandooska.

  • Soomaliya

    26-04-2024

  • 08:26AM

Villa Soomaaliya oo fahfaahisay safarka Xasan Sheekh ee Tanzania

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka qeyb-geli doona sannad-guurada 60-aad ee midowga iyo qarannimada dalka Tansaaniya.

  • Soomaliya

    26-04-2024

  • 08:15AM