DF oo ka warbixisay iska-horimaadka Xabsiga Dhexe ee Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xaqiijisay shaqaaqadii maanta oo Axad ah ka dhacday jeelka ugu weyn magaala madaxda Muqdisho ee loo yaqaano "Xabsiga Dhexe".

Wasaaradda Warfaafinta ayaa shaaca ka qaadey in la toogtay afar maxbuus oo isku dayday in ay ka baxsadaan jeelka, wallow aysan sharaxaad dheeriya ka bixin qaabka ay ku timid is-rasaaseynta.

Ismaaciil Mukhtaar Cumar, afhayeenka wasaaradda oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka, ayaa qiray waxyeelo - geeri iyo dhaawac - oo soo gaarey qaar kamid ah ilaaladda xabsiga.

Illo madax-banaan ayaa u dusiyey warsidaha Garowe Online in xabada uu bilaabay maxbuus bastoolad ka dafay waardiye isla markaana uu kadib bilaabay in uu toogto ilaalada kale ee xabsiga joogtey waqtigaas.

Iska-hori-imaadka oo dhowr daqiiqadood socday ayaa dhowr daqiiqadood socday. Muuqaalo oo arkay GO waxay muujinayaan ciidamo gurmad ah oo sii gelaya gudaha xabsiga kadib tacshiirada.

Xogta ayaa intaas ku dareysa in uu jiro maxbuus kale oo ka baxsaday jeelka, kaasoo aan wali la ogeyn halka uu u fakaday. Saraakiishu waxay sheegeen in ay ku raadjoogaan.

Sidda laga soo xigtay Mr Cumar, ciidamadda ammaanka ayaa ku guuleystay in ay soo afjaraan howlgal ay ka sameeyeen gudaha xabsiga kadib is-rasaaseyn ay la galeen afarta maxaabiista.

"Ciidamada Amniga ayaa toogtay 4 maxbuus oo isku dayay in ay ka baxsadaan Xabsiga, waxaa jiro dhimasho iyo dhaawac soogaaray ilaalada xabsiga, xaaladda Xabsiga hadda waa mid daggan, majiraan maxaabiis baxsatay," ayuu yiri.

Xabsiga Dhexe ee Muqdisho oo ku yaala degmada Xamarwayne ee gobolka Banaadir ah ayaa ah mid ammaankiisa aad loo adkeeyo, waxaana lagu xiraa xukumaneyaal qaarkood kamida Al-Shabaab iyo Daacish.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM