Dhakhaatiirta Cuba ee ku qafaalan Soomaaliya oo la beeniyay lasii daayey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladaha Soomaaliya, Cuba iyo Kenya ayaa "been abuur" ku qeexay wararka sheegaya in Al-Shabaab ay sii deysay dhakhaatiirta u afduuban tan iyo 12-ka bishii April ee sanadkii 2019-kii.

Assel Herrera iyo Landy Rodriguez ayaa lasoo wariyey in xoogaga gacansaarka la leh shabakadda hubeysan ee Al-Qaacida ay ku hayaan degaano ka tirsan gobolka Gedo ee hoostaga maamul goboleedka Jubaland.

Axmed Ciise Cawad, wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, ayaa ku adkeystay in xukuumadda Muqdisho ay kaliya shaacin karto hadii lasii daayey ajaaniibtaas.

"Mas’uuliyiinta Soomaaliya ma sheegin warkaas, mana aha war dowladda Soomaaliya ka baxay. Nimankaas waxaa afduubay Al-Shabaab, haddii lasii daayayna Al-Shabaab baa og. Annagu dadaallo ayaan wadnay, wayna socdaan, dowladda Cuba-na waan kala xiriirnaa, laakiin warkaas meelaha la marinayo ma aha war dowladda Soomaaliya ay sii deysay," ayuu Cawad yiri.

Juan Antonio Fernandez, agaasimaha warfaafinta Wasaarada Arrimaha Dibada Cuba oo u waramay wakaaladda wararka AFP, ayaa tibaaxay in aysan helin akhbaar sheegaysa in lasii daayey howlwadeenada caafimaad.

"Waxaan beeninayaa macluumadka la wareejinayo subaxaan ee ku saabsan xorreynta labada dhakhtabar ee reer Cuba, Assel Herrera Correa iyo Landy Rodriguez Hernandez," ayuu ka dhawaajiyey Fernandez.

Wuxuu intaas ku daray hadalkiisa: "Dedaalo lagu kalsoonan karo oo waxtar leh ayaa socda si loo xaqiijiyo xorriyadooda iyo in ay si nabad ah oo caafimaad qab ah dib ugu soo laabtaan waddankooda hooyo".

Dhankiisa, afhayeenka dowladda Kenya oo u la hadlay war-fidiyeenka maxaliga ah, ayaa muujiyey in ay khabar moog ka yihiin dhamaan warbixinadda ku hareereysan sii deynta xubnahaan dalkooda lagu dhex-afduubtay.

"Ma aanan helin wax warar ah oo ku saabsan in lasii daayey dhakhaatiirta Cuba," ayuu yiri Cyrus Oguna kaasoo lagu waramay in uu ka gaabsaday kasii hadalka dedaalada socda iyo doorka ay qaadaneyso Nairobi.

Wakaalada wararka AP oo soo xiganeysa mas'uuliyiin aan la carabaabin ayaa gelinkii hore ee Arbacada maanta ah waxay warisay in howlwadeenadan caafimaad ay dib u heleen xorriyadooda ayna fududeysay hay'adda NISA.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shir ay ka qeybgaleen saraakiil Itoobiyaan ah oo lagu soo xiray Muqdisho

Shirkan ayaa dabo socda shir bishii Feberaayo lagu qabtay magaaalada Kismaayo.

  • Soomaliya

    03-05-2024

  • 03:14AM

Laftagareen oo UN-ka kala shiray xaalka Golaha Wadatashiga Qaranka

Kulanka golaha wadatashiga qaranka ayaa baaqdey bishii hore kadib is-faham la'aan dhanka ajendaha ah.

  • Soomaliya

    02-05-2024

  • 11:08AM