Dharbaaxada ka dhalan karta fashil ku yimaada shirka Dhuusamareeb 3

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Cabsidda laga qabo in uu waqtigiisa ku furmi waayo wejiga saddexaad ee Shirka Dhuusamareeb ayaa sii karaar-qaadaneysa xili laga digay "cawaaqib imaan kara" hadii uu dib u dhaco.

Shirkaas oo lagu wadday in uu qabsoomo 15-ka bishan August ayaa ajendaha ugu weyn ee horyaala wuxuu yahay nooca lagu galayo doorashooyinka 2020-21, arrintaas oo madaxda ku heshiin waayeen kol hore.

Guddi farsamo oo dowlada federaalka ah iyo maamuladda ayaa loo saarey qadiyaddaas. Balse, guddigaas waxaa shaqadiisa soo wajahdey caqabad markii baarlamaanka iyo madaxtooyadu rideen xukuumadda.

Puntland iyo Jubbaland ayaanan ka qeybgelin kulamo guddiga ku yeeshay Muqdisho, waana caqabad kale oo ku geedaaman shirka. Qeybsiga ka qeybgalayaasha waa caqabad kale oo xal u baahan.

Inkasta oo Galmudug oo martigelineysa iyo dowladda federaalka ku adkeysteen in uu xilligiisa ku bilaan doono, haddana ma muuqato qaban-qaabadii kulanka.

Saddex illo wareed ayaa dusiyey in shirka uu gebi ahaanba baaqdey, halka laba kale oo midkood Villa Soomaaliya ku dhow uu tibaaxay "in ay suurtagal tahay in uu maalmo dib u dhaco, Farmaajana uu diyaar yahay".

Maxamed Cabdi Waare, madaxweynaha HirShabelle oo hogaamiyeyaasha la filayo in ay shirka kasoo muuqdaan kamid ah, ayaa hoosta ka xariiqay in hadii dib u dhaco shirkaas ay ka dhalan karto "natiijo aanan fiicneyn".

Qaar kale oo Waare kamid yahay ayaa rumeysan in fashil ku yimaada Shirkaas ay dhabaha u xaari karto faragelin Beesha Caalamka ku sameyso arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, taasoo dharbaaxo ah.

"Waxaan rajeyneynaa, ku baaqeynaa, aad iyo aadna u dhiiragelineynaa in shirka Dhuusamareeb [3] uu dhaco; shirkaas hadii uu dhici waayo nasiib darro, calool xumo iyo rajo xumo Ummadda Soomaaliyeed u soo hooyatay ayay noqoneysaa; in ay sheekadda naga kala baahdaa ka dhalan doonto, in ay talada tagto meelo aanan filaneyn ayaan ka dhalan doonto; in nala soo farageliyo ayaa ka dhalan doonta; in aan u muuqano dad aanan taladooda ku filneyn in nagula calaamadeeyo ayaa ka dhalan doonta," ayuu tibaaxay.

Hadalkaan ayuu Waare ka sheegay kulan uu Muqdisho kula yeeshay xubnaha guddiga farsamadda nooca doorashadda soo aadan, kaasoo ay ka maqan yihiin Puntland iyo Jubbaland.

Sidda laga soo xigtay Waare, guusha shirka Dhuusamareb ayaa ku xiran qaabka uu u shaqeeyo guddiga farsamadda oo dhiraan-dhirinaya qodobadda la isku hayo kahor inta aysan madaxda miiska isugu imaan.

Villa Soomaaliya ayaa wali ku dhegan doorasho qof iyo cod ah, arrintaas oo muddo kororsi "ku dedan tahay maadaama waqti badan uusan harin"; halka maamulada oo diidey "riyadaas" waxay ku baaqeen nooc lagu heshiiyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM