Digniin loo diray dadka gabaad-siinaya Soomaali aad loogu raadjoogo

Image

LONDON, Britain – Taliska booliska Ingiriiska ayaa u digay dadka gabaadka siinaya Cabdi Cali, Soomaali lagu tuhunsan yahay dil ka dhacay bishii July, 2018 isla markaana baxsad ah tan iyo waqtigaas uu falku dhacay.

War qoraal ah oo kasoo baxay bileyska ayaa lagu caddeeyay in cid kasta oo la ogaado in ay qarisay eedeysanaha ay cawaaqib la kulmeyso.

Booliska ayaa todobaadkii hore balanqaadey aduun dhan 6 kun oo Doolar oo lasiin doono cid walba oo keenta xog lagu xiro karo Cabdi.

29-jirkaan ku dhashay Soomaaliya ayaa qaxooti ahaan ku galay UK, waxaana uu deganaa magaalada Sheffield, balse fal-dambiyeedka ayuu ka geystay magaaladda kale ee caanka ku ah qaxootiga ee Cleethorpes.

Shaun Lyall oo 47-jir ah ayay dileen koox kale oo wehlisay kadib markii ay weerareen hoygiisa. Warar ayaa sheegaya in ay goobayeen daroogo. Qolka waxaa laga soo helay astaamo muujinaya in Cali uu qeyb ka ahaa.

Craig Whittle oo 45-sano jir ah ayaa xabsi daa'in loogu xukumay isla falkaan. Cabdi wuxuu wajihi karaa isla xukun noocaan ah hadii lasoo qabto.

Serena oo ah hooyada dhashay Shaun Lyall ayaa ka dhawaajisay in ciidamada ammaanka ay dedaal badan ku bixinayaan qabashada Cali.

"Ciidamadda aad ayay u kordhiyeen howlgalka qabashada Cali, qof kasta oo lagu helo in uu gabaad siiyey wuxuu wajihi doonaa dacwad halis ah," ayay kusoo qortey barteeda gaarka ah ee xiriirka dadweynaha Facebook.

Sikastaba ha ahaatee, Shaun Lyall ayaa wuxuu ahaa qof shacab ah. Intii ay socotay maxkamadeynta Whittle, waxaa la wariyey in jirdil xoogan loo geystay isla markaana kooxihii nolosha u aqoonaday ay is-yaqaaneyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo heshiisyo ballaaran kala saxiixdey

Heshiisyadan ayaa qeyb ka ah Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre.

  • Soomaliya

    07-05-2024

  • 03:19AM

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo loogu soo dhaweeyey Magaalada Nairobi

Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku qotoma adkaynta xiriirka labada dal, iyo horumarinta iskaashiga.

  • Soomaliya

    06-05-2024

  • 09:15AM