Wasiirka Batroolka Soomaaliya oo shaqadiisa u raray baraha bulshadda

Image
Wasiir Cabdirisaaq ayaa ka dambeeyay in dhawaan shaqada laga joojiyo Samiira Gaid oo lataliye ka ahayd Wasaarada Amniga.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Batroolka iyo Macdanta C/risaaq Cumar Maxamed oo bartiisa X [Twitter-ka] ugu hanjabay Xildhibaan Abdullahi Aden Kulane [Kulane Jiis], isagoo ku yiri "Xasaanada Xildhibaanimo wax ugama sheegi kartid Madaxweyne Xasan Sheekh".

Kulane Jiis ayaa bartiisa X [Twitter-ka] soo geliyay muuqaal yar, oo Madaxweyne Xasan Sheekh ku taageeray in dadka ehelka la ah ama qoyska Mas'uuliyiinta xilalka haya inay shaqooyinka ku qoran karaan.

Xildhibaanka ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha inuu si cad u dhiira-galiyay eex iyo qaraaba-kiil.

Wasiirka oo Xasan Sheekh saaxiib dhaw yihiin ayaa aad uga carooday hadalka Kulane Jiis.

Wasiir Cabdirisaaq ayaa ka dambeeyay in dhawaan shaqada laga joojiyo Samiira Gaid, oo wasaaradda amniga la-taliye ka ahayd kadib markii wax ka sheegtay dowladda Xasan Sheekh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM