Shirkada diyaaradaha Imaaraadka oo xayiraad kusoo rogtay Soomaaliya

Image

ABU DUBAI, UAE – Shirkadda Duulimaadka Isu tagga Imaaraadka Carabta ayaa ku dhawaaqdey in aysan Sacuudi Carabiya u qaadi doonin rakaabka 20 waddan oo ay kamid tahay Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay shirkadda ayaa daaha looga rogay in sababta ay la xiriirto xayiraadda ay Riyadh kusoo rogtay cabsida laga qabo caabuqa dilaaga ah ee Coronovirus.

Bayaanka oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa lagu daabacay website-ka rasmiga ah ee shirkaddu ku leeyahay baraha Internet-ka.

Xayiraada ayaa saameyn doonta dadka haysta fiisaha dalxiiska iyo midka Cumradda, sidda lagu xaqiijiyey warka qoraalka ah.

"Dhamaan macaamiisha haysta fiisaha dalxiiska ee China, Iran, Italy, Korea, Japan, Thailand, Malaysia, Indonesia, Pakistan, Afghanistan, Philippines, Singapore, India, Lebanon, Syria, Yemen, Azerbaijan, Kazakhstan, Uzbekistan, Somalia iyo Vietnam, illaa iyo amar dambe qeyb kama noqon karaan duulimaadyadeena, iyaddoo la tixraacayo amarka kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibada Sacuudiga," ayay tiri.

Sidda laga soo xigtay qoraalka, dhamaan dadka haysta dal ku galka Cumrada ayaanan sidoo kale loo ogoleyn in ay galaan Boqortooyadda Sacuudiga, illaa iyo amar dambe.

"Dhamaan dadka laga baajiyey duulimaadka waa in ay la xiriiraan xafiiskeena si ay u helaan fursad kale," ayay xustay.

Sacuudiga oo mar sii horeysay ku dhawaaqay in uu si ku meel gaar ah uga joojiyey ajaaniibta Cumrada ayaa sababta ku sheegay si uu kaga hortago faafinta cudurka kumanaanka qof galaaftay.

Coronovirus oo kasoo bilowday dalweynaha Shiinaha ayaa si dhaqsiyaha ah ugu faafay dalal badan, waxaana la xaqiijiyey in uu dilay ku dhowaad 30-kun oo ruux, waxaana la il-daran tiro intaa ka badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo qaylo-dhaan kasoo saartey colaada Bariga Dhexe

Dowladda Soomaaliya ayaa walaac ka muujisay xiisadda kasoo koror yay Bariga Dhexe.

  • Soomaliya

    15-04-2024

  • 05:56AM

Soomaaliya: Wasiirada dhawaan la magacaabay oo la dhaariyay

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dhawaan magacaabay xubno cusub oo ka mid noqonaya Golaha Wasiirrada.

  • Soomaliya

    14-04-2024

  • 11:27AM