Dowlada Soomaaliya oo cambaareysay weerarkii garoonka Sacuudiga

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii ay Falaagada Xuutiyiinta isbuucii hore ku ekeeyeen garoonka Abha ee Koonfur-Bari Sacuudiga.

Kooxda fadhigeedu yahay Yemen ee ay barataarto Iiraan ayaa dhowr Gantaalo oo kuwa ridada dheer ah waxay ku beegsatay madaarkaasi, Arbacadii, taasi oo sababtay dhawaaca 26 rakaab.

Xulufada ay Riyadh hogaamiso ee dagaalka kawada Yemen o ku eedeeyay Tehran in ay lahayd Gantaaladaasi ayaa ku sifeysay dhacdadaasi "fal ah dambi dambiyadeed oo ka dhan ah Sacuudiga".

Dowlada Soomaaliya ayaa dhankeeda tilmaamtay in weerarkaasi "mid halis dhab ah ku tahay amniga gobolka ayna wiiqeyso dedaalada ay Qaramada Midoobay dhibaatada Yemen ugu raadineyso xal siyaasadeed".

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu xusay in dowladda federalka ah ay la safan tahay Sacuudiga oo wajahaya weeraro dhanka cirka iyo dhulka oo Xuutiyiinta kaga imaanaya.

"Soomaaliya waxay ku gabar-tagaan tahay Sacuudi Carabiya wajiyada weerarada foosha ee argagixisada, kuwaasi oo sare u qaadaya falal dambiyeedyada fuleynimada ah," ayaa lagu yiri bayaanka.

Bishii hore, maamulka madaxweyne Farmaajo ayaa sidaan oo kale u dhaliilay weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ay Xuutiyiinta ku beegsadeen goobaha Saliida laga soo saaro ee Sacuudiga.

WAR-SAXAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xarigga Ugbaad Aragsan, aargoosi Siyaasadeed mise ka hortag dhaqan xumo?

Booliska Somaliland ayaa talaadadii Ugbaad ka soo qabtay mehrad ganacsi oo ay Hargeysa ku lahayd..

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 06:23AM

Xasan Sheekh oo gudoomiyay Shirka Amniga Gobolka Benaadir xilli uu walaac jiro

Kulanka waxaa ka qayb galay Ra’iisulwasaaraha XFS, Wasiirada Amniga iyo Gaashaandhiga, iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka sida.

  • Soomaliya

    17-04-2024

  • 12:02PM