Dowladda Soomaaliya oo ciidamo dheeri ah u daabushay Dhuusamareeb

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Boqolaal ka tirsan bileyska sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya oo ka baxay Muqdisho ayaa maanta oo Axad ah diyaarad loogu daabulay Dhuusamareeb, xarunta Galmudug.

Mas'uuliyiinta ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in xoogaga dowladda ay durbadiiba la wareegeen madaarka diyaaradaha, xarunta lagu qabanayo shirka dib u heshiisiinta iyo Madaxtooyadda maamulkaasi.

Ma cadda sababta dhabta ah ee ka dambeysa arrintan, balse wakaaladda wararka u faafisa xukuumadda ee SONNA ayaa ku tilmaamtay talaababan mid lagu adkeynayo nabad-gelyadda magaaladda.

Balse warar kale oo soo baxaya ayaa tibaaxaya in ra’iisul wasaare Khayre uu dib ugu laabanayo magaaladda, si uu u furo shirka oo maalmaha soo aadan furmaya.

Tani ayaa imaaneysa iyadda oo dhowaan cutubyo kamid ah ciidamada loo qarameeyay Alhu Sunna oo ka gadoodsan in loo diiday sugitaanka amniga madasha ay weerareen dhismaha.

Dhinaca kale, warar aanan la xaqiijin ayaa tilmaamaya in hogaanka Ahlu Sunna oo uu ku jiro Madaxda guud ee ururkaasi Macalin Maxamuud Faarax ay isaga baxeen guud ahaan caasimadda dowlad goboleedkaasi.

Xubnaha ayaa lagu waramayaa in ay duleedka magaaladda ku leeyihiin shir ay uga arrin-sanayaa ciidamada cusub, wallow aanan la ogayn hadii ay go’aano kasoo saari doonan saacadaha soo aadan.

Ahlu Sunna oo ku eedeysay dowladda "ka baxday" qodobo qaar ee ku jiray heshiiska ay kala saxiixdeen ayaa ka digtay in xaaladda ay kasii darto sida ay haatan tahay oo ay xuseen in ay keeni karto "cawaaqib".

Sidoo kale, Ahlu Sunna ayaa horey walaac uga muujisay ciidamada ay dowladda geynayso magaaladaasi, taasi oo ay sheegtay in ay ka dhalan karto "dhibaato amni".

Xaaladda Dhuusamareeb ayaa siyaasad ahaan waxay ahayd mid kacsan bilooyinkii lasoo dhaafay, waxaana is-mari-waa uu ka taagan yahay shirka dib-u-heshiisinta, kaasi oo laba jeer dib u dhacay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Xamse oo ogolaadey hub loo diray Laascaanood, xilli cabsi laga qabo dagaal

Arrintan ayaa sii hurinaysa khilaafka sii fidaya ee u dhexeeya maamulka Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-07-2025

  • 01:50PM

Ciidamo gadood ka sameeyay Muqdisho iyaga oo ka cabanaya mushaar la’aan

Dhacdadan ayaa muujinaysa heerka ay gaarsiisan tahay niyad-jabka iyo tabashada gudaha ciidanka dowladda.

  • Soomaliya

    06-07-2025

  • 01:14PM