Farmajo iyo Khayre oo lagu casuumay shir looga hadlayo doorashada

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Madaxda maamuladda ayaa hogaanka dowladda federaalka ku casuumay shir wadatashi oo ka dhacaya caasimada maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb, sidda lagu sheegay war qoraal.

War-murtiyeedka ayaa kasoo baxay shir madaxeedkii ay madaxda dowlad goboleedyadda ku yeesheen isla xarunta gobolka Galgaduud intii u dhaxeysay 11-12 bishaan July ee sanadkan dhamaadka ah ee 2020.

Inkasta oo aan la muddeyn, wadahadaladda, sidda ku xusan bayaanka, ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa doorashooyinka soo aadan.

Maamuladda oo ku adkeystay in coddeynta nagu soo fool leh aysan noqon karin qof iyo cod ah ayaa hoosta ka xariiqay in ay muhiim tahay in helo nooc kale oo taladeeda loo dhanyahay laguna qaban karo inta harsan.

Sidda ku cad war-saxaafadeedka, madaxweyneyaasha dowladaha xubinta ka ah federaalka Soomaaliya ayaa ka digay muddo kororsi.

"Shirku wuxuu ku baaqayaa in madaxweynaha dowladda federaalka ah iyo ra'iisul wasaaraha iyo madaxweyneyaasha dowladaha xubnaha ka ah ay shir wadashi ah isugu yimaadaan si ay uga arrinsadaan tubta farsamo ee qabsoomida doorashada dalka ee 2020-21," ayaa lagu yiri war-murtiyeedka.

Waxaa intaas lasii raaciyey: "Shirka wuxuu ku baaqayaa in shirka wadatashiga dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah uu ka dhaco magaalada Dhuusamareeb ee caasumadda Galmudug".

Shirka ay ku yeesheen Dhuusamareeb ayaa ka dambeeyay markii uu baaqdey Shirkii Amniga Qaranka oo dhankooda uu ku casuumay madaxweyne Farmaajo, laguna wadday in uu ka dhaco magaalada Muqdisho.

Baaqashadda ayaa ka dambeysay markii Farmaajo uu fulin waayey is-afgaradyo ay gaareen dowlada iyo maamulada oo ku saabsanaa in la hakiyo ansixinta xeerar loo gudbiyey Golaha Shacabka oo xudun u ah khilaafka jira.

Illaa iyo haatan, Villa Soomaaliya ka jawaabin baaqa iyo casuumaada ay heshay madaxweyneyaasha dowlad goboleedyadda waddanka.

Doorashooyinka madaxtooyadda ee dhacay 2009, 2012 iyo 2017 ayaa lagu go'aamiyey nidaam ay Xildhibaanada soo xuleen ergada beelaha. Mudaneyaasha ayaa kadib doortay madaxweyne.

Nidaamka awood qeybsiga 4.5 oo shaqooyinkaas oo idil lagu saleeyay ayaa wajahaya dhaleeceyn culus "maadaama faquuqayo qabaa'ilka qaar isla markaana uu abuurayo kala qeyb-sanaan balaaran oo bulshadda dhexdeeda ah".

BAYAANKA SHIRKA DHUUSAMAREEB

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM