Farmaajo oo ka hadlay "federaal diidnimada" lagu eedeeyay dowladiisa

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Farmaajo ayaa markii ugu horeysay wuxuu si cad uga jawaabey “federaal diidnimada" ay qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyadda ku eedeeyeen xukuumadiisa.

Dowladaha xubnaha ka ah federaalka dalka ka tis-qaadey ayaa ku dhaliilay Villa Soomaaliya in ay burburineyso nidaamkaasi isla markaana ay isku koobeyso talada dalka iyadda oo iska indho-tireysa maamulada.

Isaga oo ka hadlayey munaasabada qalinjabinta dufcadii 20aad ee Jamaacadda Ummadda oo Talaadadii ka qabsoontey Muqdisho ayuu si aan gambasho lahayn u sheegay "in uu doonayo dhismaha dowlad dhexe oo xoogan".

"Maamul goboleedyadda, qof walba siduu doono ha u arkee, waa qeyb ka ah debate-ka [dooda] socota ee ay ku dhismeyso dowladnimadeena oo aan ku fasireyno muxuu yahay federaal iyo muxuu yahay confederate [isku-dhafan]?" ayuu madaxweyne ku bilaabey hadalkiisa.

Dhaleeceymaha xukuumada Farmaajo loo jeediyo waxaa kamid ah in aysan kala tashan maamuladda dalka ka jira go’aanada masiiriga ah, taasi oo ay talaabo uu o golaanayo dastuurka qabyada ah ee dalka ka jira.

Madaxweynaha oo sii hadlaya ayaa wuxuu intaasi ku daray, isaga oo carabka ku adkeynaya: "Annaga waxaan aaminsanahay, inkasta oo dadka qaarkii ay nagu dacaayadeeyaan waa dowlad centrist [dhexe] ah, waa dowlad dooneysa in ay awooda qaadato; annaga waxaan niraahnaa federaalka saxda ah annagaa ah, maxaa yeelay waxaan rabnaa dowlad dhexe oo xoog leh, waxaan rabnaa dowlad dhexe oo ciidan fiican leh oo dalka difaaci karta, waxaan rabnaa dowlad dhexe oo arrima dibadeed oo adag leh, waxaan rabnaa dowlad dhexe oo xuduudadeeda ilaalisa, waxaan rabnaa dowlad ciidan leh oo iyadda ay maamusho dhaqaalaheeda iyo ganacsigeeda, dowladda dhexe ee aan rabno waa noocaasi ah, annaga waxaan u aranaa in aanu nahay kuwa taabacsan federaalka, wixii intaasi kasoo horjeeda waa anti-federaaliste waaye.

"Dowlad dhexe oo daciif ah ma dooneyno"

Qaar kamid ah dowlad goboleedyadda dalka ka jira ayaa hab-dhaqanka xukuumada uu leeliyo madaxwene Farmaajo ku sifeeyay "kalitalisnimo" maadaama ay maroorsi awoodeed "sameyneyso".

Madaxtooyadda ayaa ku eedeysan in ay farogelin ku hayso arrimaha gudaha ee maamuladda isla markaana qaarkood ay dhaqaalihii ay xaqa u lahaayeen ka jaratay si hogaanka ugu cadaadiso in uu daacad u noqdo.

Hogaamiyaha dalka Geeska Afrika dhaca ayaa ku nuux-nuux sadey in ay wadashaqeyn fiican kala dhaxeyso maamulada balse ay dhexda kaga jiraan dood uusan shaaca ka qaadin waxay daaran tahay.

"Wixii kasoo hara [arrimaha kor ku xusan] waxaa la yiraahdaa confederate [isku-dhafan], annaga ma dooneyno confederate ama loose-federalism [dowlad dhexe oo daciif ah]. Macnaheedu waxay tahay wadashaqeyn fiican baa naga dhaxeysa, laakiin dood ayaan ku jirnaa," ayuu hadalkiisa daba dhigay.

Qadiyadda ku aadan nidaamka federaalka ee ay qadatay Soomaaliya isla markaana ay dowladda Puntland hormuud u tahay ayaa ah qodob dastuuri ah oo lama taabtaan ah kuna xusan Axdiga ku meel gaarka ah ee uu dalku leeyahay.

Dastuurka ayaa sidoo kale xuquuqyo kala siinaya dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah; tusaale ahaan dowlada federaalka waxay u madax banaan tahay arrimaha dibadda balse waxaa muhiim ay in ay kala tashato maamulada arrimaha muhiimka ah ee saameynaya degaanadooda.

Hadalada kasoo yeeray madaxweynaha Soomaaliya oo dadka qaarkii ay sheegayaan in ay dhalin karaa su'aalo ayaa waxay kusoo beegmayaa xili mudada xileedkiisa uu kaga harsan yahay sanad iyo bar isla markaana doorashooyin ay kusoo wajahan yihiin dowlad goboleedyadda Jubbaland iyo Galmudug oo ay xukuumada federaalka gacma-gacmeyn culus ku hayso.

MUUQAALKA FARMAAJO

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM