Farmaajo oo lagu booriyey in uu caddeeyo "tuhun" ka jira kiiska badda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Farmaajo waa in uu hor-yimaado shacabka una fahfaahiyo sababta dhabta ah ee keentay in markii saddexaad la baajiyo dhageysiga kiiska badda ee horyaala ICJ, sidda uu ku baaqay siyaasi.

Dib-u-dhaca saddexaad dhageysiga gal-dacwadeedka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya oo lala xiriiriyey Coronavirus ayaa laga muujiyey shaki kadib markii Maxkamadda ICJ ay dhowaan muddeysay kiis kale.

Kiiskaas oo u dhaxeeya wadamo kale ayaa xoojiyey tuhunka iyo madmadowga la geliyey hadalka kasoo yeeray xukuumadda Muqdisho oo ahaa in loo baajiyey Covid-19 awadiis, taas oo hadda waxba kama jiraan u muuqata.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo u waramay telefishinka Universal ayaa adkeeyay baahida loo qabo in sharaxaad laga bixiyo dib-u-dhigista.

"Madaxweyne Farmaajo isagoo joogo ayaa saddex jeer dib loo dhigay kiiskaas, hadda waxaa soo baxday, ra'iisul wasaare ku xigeenka markuu hadlaayey wuxuu yiri Coronavirus, hadda aan kula hadlaayo dacwaa ka furan maxkamadda oo labada waddan isku haayaan, taas macnaheedu waxaa waaye ma jirto wax Coronavirus ah oo dacwadda dib loogu dhigay, dowladda mar kalaa ugu celinayaa; war ashkhaas la rumeysanaayo annagaa tobban sano nala rumeysan waayey oo Soomaaliya xaqeeda soo dhicineynay oo xeer-ilaaliyihii na difaacayey Mareykanka iyo Ingiriiska ahaa cadeeyay oo maxkamadii ay caddeysay oo Kenya meelay ka marto la waayey ayaa tobban sano nagula dheganaa," ayuu yiri.

Hogaamiyaha dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayuu si gaar ah ugu booriyey in uu bulshadda ka tur-xaan-bixiyo tuhunka ku geedaaman dowladiisa.

“Leyska yeeli maayo. Annaga waxay nala tahay in hadal meel laga jeediyo sax maahan. Dadka Soomaaliyeed, waxaan ku raacsanahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, war dadkii dacwadda gacanta ku haayey waa la bedelay war cidda dacwada daba socoto lama yaqaano war maalin kastana shir jaraa'id oo ra'iisul wasaare qabtana laguma qanci karo haddana maxkamadii waxay leedahay dacwaa ka socotoo way furan tahay oo Coronavirus wax la yiraahdo ma jiraan war dadka Soomaaliyeed madaxweyne Farmaajo isagaa dadkan mas'uul ka ah; dacwadda meesha ay mareyso iyo sababta dib loogu dhigay saddex jeer hanoo sheego annaga muwaadiniin Soomaaliya ayaan nahay xaqa Soomaaliya waan soo dhicinay meel fiican ayaan keenay," ayuu raaciyey hadalkiisa.

Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir waa mid kamid ah mas'uuliyiinta Soomaaliyeed ee xogta badan ka haya dacwadda xasaasiga ah.

"Haddey daacad yihiin saddex jeer dib looma dhigeen," ayuu ku jawaabay markii la su'aalay in nuxurka hadalkiisu yahay in madaxda dalka aysan daacad ka ahayn sii socoshadda kiiska badda iyo lasoo gabagabeeyo doodiisa.

Wuxuu xusay: "Mar walba dooda Kenya lama dhageysanayo, wax kale oo ay shacabka Soomaaliyeed ka iibsan karaan hanoo sheegaan".

Kiiska badda oo taagan tan iyo bishii August ee 2014-kii kuna saabsan goob hodan ku ah kheyraad dabiici ah isla markaana ku taala xadka badda labada dal ayaa qorshuhu yahay in a dhageysto 15-ka bisha Maaj ee 2021-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM