Golaha Ammaanka oo yeeshay shir lagu lafaguray xaaladda Soomaaliya

Image

WASHINGTON, US – Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa Arbacadii 28-ka October, sanadkan 2020 wuxuu shir ku qabsoomay qaab fogaan arag ah ka yeeshay arrimaha Soomaaliya, sidda lagu sheegay bayaan.

Shirkaas ay goobjooga ka ahaayeen dalalka xubnaha ka ah Golaha ayaa waxaa warbixin looga dhageystay Guddiga Khuburada UN-ka ee qaabilsan dabagalka arrimaha Soomaaliya kuwaasoo fahfaahin qormadooda.

Qormadaas oo lagu soo saarey shaqo ay qabteen mudadii u dhaxeysay 10-ka June illaa 28-ka October ayaa ku saabsan qaabka Al-Shabaab u hesho dakhliga, ku xadgudubka xayiraadaha, ka ganacsiga dhuxusha, ganacsiga maleyshiyada ee badda, cunaqabateynta hubka iyo mamnuucida qaraxyada.

Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeedka, golaha oo dhageystay fahfaahinta warbixinta ayaa bogaadiyey isu soo dhowaanshiyaha guddiga iyo dowladda federaalka maadaama uu is-mari-waa xoogan ka dhex-jiray.

Warbixintooda oo nuqul kamid ah lala wadaagay war-fidiyeenka ayaa lagu caddeeyay in Al-Shabaab ay 21 milyan Doolar sanadkii ka sameyso canshuuraha, lacago baad ah, maalgashiga bangiyo iyo hanti ma guurto.

Dekadaha Muqdisho iyo Kismaayo ayay farta ku fiiqeen in ay kamid yihiin maalaha ay dakhliga ugu badan ka hesho xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida isla markaana ay helaan xogta badeecada kasoo degta.

Badda ayay carabka ku adkeeyeen in ay tahay marinka ugu weyn ee Al-Shabaab haatan loosoo mariyo hubka sharci daradda ah, iyagoo ku baaqay in la xoojiyo sidii looga hortagi lahaa ama gabi ahaanba loosoo afjari lahaa.

Dowladda Soomaaliya oo si dhow ula socota ku dhex-milanka argagixisada ee nidaamka maaliyadda ayaa ku fashilantay in ay talaabo u qaado.

Al-Shabaab ayaa haatan loo arkaa halista ugu weyn ee nabad-gelyadda Soomaaliya, iyaddoo madaxda ugu sareysa waddanka ay ciribtirkooda kaga mashquulaan siyaasadda iyo sidii ay kuraasta usii joogi lahaayeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM