Guddiga xalinta xiisada Gedo oo gaarey Garbahaarey

Image
Image

GARBAHAAREY, Gedo - Guddiga dib-u-heshiisiinta gobolka Gedo ayaa Arbacada manata ah waxaa si ballaaran loogu soo dhaweeyay magaaladda Garbahaarey ee magaala madaxda gobolkaas.

Guddigan oo ka kooban wasiiradda arrimaha gudaha maamulada Soomaaliya marka laga reebo Jubaland ayaa xukuumada xilgaarsiinta u magacowdey xal u helida xiisadda gobolka Gedo.

Magacaabida ayaa daba-socotay markii hogaamiyeyaasha Soomaalida ay ku heshiiyeen in la magacaabo guddigaas isla markaana ay muddo kooban kusoo afjaraan xalinta is-mari-waaga.

Qodobada ay xalka u goobayaan waxaa kamid ah cidda noqoneysa guddoomiyaha degmada Garbahaarey oo kamid ah degaan doorashooyinka lagu soo xulayo mudaneyaasha labadda Aqal.

Sidoo kale, wuxuu guddiga xal waara u raadinayaan is-mari-waaga u dhaxeeya qaar kamid ah bulshooyinka ku dhaqan gobolkan ay intiisa badan awood ciidan ku qabsatay dowlada federaalka.

Mudada ay ku sugan yihiin Garbahaarey, xubnaha guddiga ayaa lagu waddaa in ay dhowaan la shiraan odayaasha dhaqanka degaanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda si xal oo helo.

Qadiyada gobolka Gedo ayaa kamid ahayd sababaha dib-u-dhaca iyo daahida ku keenay doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxtinimada Soomaaliya oo hadda jadwal cusub loo sameeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo wadahadal u bandhigay Somaliland, balse diiday gooni-isu-taag

Khudbad si adag u qornayd ayuu madaxweynuhu kaga digay faragelin shisheeye oo lagu sameeyo arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    19-01-2026

  • 08:21AM

Madaxweynaha Soomaaliya oo safar ku saabsan amniga Badda Cas ugu sii jeeda Sacuudiga

Ilo xog-ogaal ah oo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    19-01-2026

  • 07:34AM