Heshiis laga gaarey Khilaafkii Villa Somalia iyo Jubbaland [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

KISMAYO, Soomaaliya - Madaxweynaha Axmed Madoobe ayaa xalay ku dhawaaqay in heshiis laga gaarey khilaafkii siyaasadeed ee maamulkiisa kala dhaxeeyay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Axmed Madoobe ayaa hadalka kaga dhawaaqay xaflad sagootin ah oo loo sameeyay Ra'iisul Wasaare Khayre taasi oo xalay lagu qabtey dhismaha Wasaaradaha Jubbaland ee magaaladda Kismaayo.

"Qodab walba oo khilaafka ahaa waan dul istaagnay anaga iyo R/wasaarahuba waana ka heshiinay waxaana isku afgaranay in aan Madaxweynaha u tagno si loo dhameeyo khilaafka," ayuu yiri Axmed Madoobe oo munaasabadda ka hadlay.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Axmed Madoobe ayaa ku baaqey in dib u eegis lagu sameeyo dastuurka dalka, islamarkaana la bedelo magaca Madaxweyne ee loogu yeerayo Madaxda maamul goboleedyada.

Madaxweynaha ayaa dhanka kale ku baaqey in la dhiso ciidamada qaranka, si Al-Shabaab dalka oo dhan looga saaro islamarkaana ay Soomaaliya u gaarto isku filnaansho amni.

Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in safarkiisii Kismaayo uu noqday mid mira-dhal ah, isagoo balan-qaadey inuu si dhaw ula shaqeyn doono Maamulka Jubbaland.

"Safarka aan Kismaayo ku imid waxuu ahaa Safar mira dhal ah. Madaxweynaha Jubbaland oo idinka wakiil ah waxaan balan qaadeyaa in aan wada shaqayn doono aniga iyo isaga, waxaana u wada tagi doonnaa Madaxweynaha," ayuu yiri Khayre.

Heshiiskan oo ku yimid wadahadallo mudo billooyin ah soo socday oo ka dhacay Nairobi iyo meelo kale ayaa waxaa qeyb qarsoon ka qaatey Fahad Yaasiin, agaasime ku xigeenka NISA, oo geed-gaaban iyo mid dheer u fuulay heshiiska Axmed Madoobe.

Wali saxaafadda looma soo bandhigin qodobada heshiiska ay Kismaayo ku gaareen Khayre iyo Axmed Madoobe, balse waxay wararku sheegayaan inay jiraan shuruudo dhowr ah oo Madaxweynaha Jubbaland ku xiray fulintooda.

Axmed Madoobe ayaa tilaamay in dhibaatada Soomaaliya ka jirta ay koow ka tahay la xisaabtan la'aan ka jirta dowladda Federaalka gaar ahaan Ciidamada AMISOM iyo dowlada deeqaha bixiyaasha caalamka.

Waxaa lagu wadaa in Axmed Madoobe uu tago Muqdisho, si loo dhameystiro heshiiskan, oo ugu dambeyn la filayo inuu saxiixo Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa kamid ahaa madaxdii maamul goboleedyada Kismaayo ku dhistay sanad kahor Gollahii Iskaashiga Dowlad Goboleedyada, kaasi oo burburay markii C/wali Gaas doorasho looga adkaadey, Shariif Xasan oo is-casilay iyo Waare oo la heshiiyay dowladda Dhexe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM